Guriga Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo la weeraray

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wararka aan ka helayno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weerar lagu qaadey Guriga Cabdiraxmaan Cirro, oo kamid ah saddexda musharax ee u tartamaysa xilka Madaxweynaha Somaliland.

Ilo-wareedyo ku sugan Hargeysa ayaa sheegay in dad loo maleynayo inay yihiin taageeriyaasha Xisbiga KULMIYE ay weerar ku qaadeen hoyga Cabdiraxmaan Cirro xalay abaare 11:00 P.M.

Dadkan weerarka ku qaadey Guriga Cabdiraxmaan Cirro ayaa watay dhagxaan, biro, ulo iyo waxyaabo kale, oo la dhaceen ciidamada amaanka Guriga musharaxa, waxaana ku dhaawacmay hal askari.

Xubno katirsan KULMIYE oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa shaki geliyay in kooxda weerartay Guriga Cabdiraxmaan Cirro ay kamid yihiin taageeriyaashooda.

Saraakiishana ayaa sheegay in dadka weerarka geestay ay yihiin kuwa doonaya inay iska horkeenaan Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, oo loolan xooggan u dhaxeeyo.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli hadallo xanaf leh ay maalmihii dambe is-dhaafsanayeen Mas'uuliyiinta iyo musharaxiinya saddexda xusbi ee uu tartamaya Xilka Madaxtinimada Somaliland. Halkan ka akhri Warbixinta Garowe Online.

Maxkamada sare, Gudiga doorashooyinka, Odayaasha dhaqanka iyo culimada ayaa ugu baaqay Xisbiyada inay ka fogaadaan aadeegsiga erayada dhalin karo in qalalaase uu ka dhaco doorashada Somaliland.

Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa maanta isasa bax ololaha doorashada ku leh Boorama, ee xarunta gobolka Awdal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM