Doorashada Somaliland oo Eedeymo La Isdhaafsanayo Hareeyeen [Daawo]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ololaha xisbiyada Somaliland ugu jiraan tartanka Madaxweynaha oo galey maalintiisii Todobaad ayaa waxaa hareeyey eedeymo musharaxiinta xisbiyada Kulmiye iyo Wadani is-weydaarsanyaan kuwasoo ku saleysan xiriirka qolo walba la leedahay dowlada Soomaaliya iyo Jabhadii SNM.

Musharaxa Madaxweynaha Wadani Maxamad Cabdulahi Cirro oo hadal ka jeediyey isu-soo bax ka dhacey magaalada Boorame 26 Oct,2017 ayaa iska difaacey in xubno ka mid Xisbigiisa xiiriir la sameeyeen saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin markaas rajo ka qaybey doorashadii ka dhacdey magaalada Muqdisho sanadkaan bilowgiisa.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo tageerayashiisa kula hadlaya magaalada Burco ayaa ku eedeeyey in Xisbiga Wadani siyaasadiisa laga hagayo magalaada Muqisho isagoo ku dhiirigaliyey tageeryashiisa in arintaas diidaan maalinta codbixinta.

Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo dhici doonta 13 November, 2017 ayaa xisbiga Kulmiye iyo Labada kale ee Xisbi ee Mucaaradka ah tageerayashooda ku sameeyaan isu soo baxyo magaalooyinka waaweyn maalmaha guddiga doorshada u asteeyey xisbi walba.

Xisbiga Kulmiye ayaa waxaa musharax u ah Muuse Biixi oo ciidamada Soomaaliya ka gaarey darajo sare balse isaga tagey 1985, isagoo ku biirey ururkii la oran jirey SNM kaasoo dagaal kula jirey dowladii AHN Madaxmad Siyaad Barre.

Muuse Biixi oo jira 68 ayaa sanadkii 1993 ka noqdey Somaliland Wasiirka Arimaha Gudaha dowladii uu hogaamiyaha ka ahaa AHN Maxamad Ibraahim Cigaal.

Sanadkii 2010 waxaa uu noqdey Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye halka 2015 loo doortey musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaan doorashada dhici doonta sanadka 2015.

 

Dhinaca kale hogaamiyaha xisbiga Wadani ahna musharax xisbiga ee xilka Madaxweynaha Somaliland ayaa dhashey sanadkii 1955 isaga oo shaqadiisa ka bilaabey hay'adii la oran jirey Danwadaagaha kadib shaqo waxaa uu ka heley 1981 wasaarada arimaha dibada Soomaaliya. Ciro ayaa wadankii la oran jirey Soviet Union safaaradiisa Soomaaliya ku lehyd Moscow ka noqdey qonsulka Kowaad isagoo 1991 ku sime safiir wadankaas loogu magaacbey.

Loolanka siyaasdeed ee ka socda Somaliland ayaa waxaa qoraalo kasoo saarey maalinimadii Jimacaha guddiga doorashooyinka iyo Maxkamadda sare kuwasoo ka dalbadey madaxda xisbiyada iney joojiyaan hadalada abuuri dadka ka dhex abuuri kara colaada. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM