HARGAYSA: General Tani "Xadka Somaliland waa suganyahay"

Image

HARGAYSA, Somaliland- Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo ay wehelinayaan taliyaasha ciidamada Booliiska iyo Asluubta ayaa ka hadlay xaalada amniga iyagoo fariin u diray shacabka maamulkaas.

Shir wadajir ah oo ay ku qabteen caasimadda Hargaysa, ayay taliyaashu xuseen in amniga cid walba ka shaqayso iyagoo fariin u diray murashaxiinta Madaxweynaha oo ay ka codsadeen inay aqbalaan natiijada doorashada.

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, General Nuux Ismaaciil Tani, ayaa soo hadal qaaday muranka dhanka xuduuda iyo hadalkii dhawaan kasoo yeeray Barlamanka Puntland ee ay ku naqdinayeen in gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay ka dhacdo doorasho.

“Puntland jaar baanu nahay oo ma doonayno in wax dhibaato ah naga dhex dhacdo, khilaafka labadanada naga dhex dhacaana waxa uu abuuri karaa inay dad kale ka faa’iidaystaan,”ayuu yidhi Nuux Taanni.

Wuxuu intaas ku daray in xadka Somaliland uu yahay mid sugan isagoo tilmaamay in hadallada la isu marinayo warbaahinta iyo waaqiciga dhabta ah ay kala duwanyihiin.

“Waxaan ogahay in xadka Somaliland uu sugan yahay, cid ku soo xadgudbi kartaana ma jirto, cidii ku soo xadgudubtay waa cid badheedhay maamulkaasi puntland kama filayno, hadalka warbaahinta la marinayo iyo siday wax u jiraan way kala duwan yahay, illaa hadda wax dhibaato ah oo weyn ma hayno.” ayuu yiri Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland.

Taliyaha Booliiska Booliiska Somaliland, Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa isna fariin u diray dhalinyarada oo uu ka codsaday inay iska ilaaliyaan inay carqaladeeyaan safafka codbixinta.

Maalinta Barri ah ayaa la filayaa in guud ahaan deegaanada Somaliland looga dareero goobaha codaynta, waxaana gabi ahaanba la joojiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, waxaana 06:00pm xilliga Bariga Africa hawada laga saari doonaa baraha bulshadu ku xariirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM