HRW oo Somaliland ku eedeysay inay caburiso xuriyadda Hadalka

Image

NAIROBI - Xukunadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Somaliland ayaa lagu beegsaday shaqsiyaad ka hadlay arrimo uu khilaaf ka taagan yihiin, waxaana tallaabadaasi ay kahor imaanaysaa xuriyadda hadalka, sidaasi waxaa sheegtay Human Rights Watch.

Kiiskii ugu dambeeyay ayaa ahaa kii Boqor Buurmadow, oo ah odey dhaqameed caan ah kaasi oo dembi lagu soo oogay kadib lagu xukumay shan sano oo xabsi ah 26-kii Abriil, 2018, dacwad socotay muddo saacad ka yar.

Intii lagu guda jiray bishii lasoo dhaafay, Somaliland ayaa xukun ku riday saddex qof kuwaasi oo xukunadooda loo cuskaday qodobo aan caddayn oo xadidaya xuriyadda hadalka.

Sharciyadan waxaa loo isticmaalaa in lagu ciqaabo dadka kahor yimaada siyaasada Somaliland ama loo arko inay meel uga dhaceen madaxda dawladda.

"Xuriyadda hadalka Somaliland way sii dhimanaysaa, iyada oo mas'uuliyiintu ay ku soo oogaan dambiyo si ay u aamusiyaan dadka dhaliila," ayay tiri Laetitia Bader, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Human Rights Watch.

"Jawaabta culus ee Somaliland ka bixiso marka wax laga sheego siyaasadeeda waxay weerar ku tahay xuquuqda bini'aadamka ee muhiimka ah, waxayna dhaawac xun ay u geysanaysaa dawladda," ayay hadalkeeda raacisay Laetitia Bader.

Dhibaatada ay sababeen xukunada xadgudubka ma ahan kuwa lasoo koobi karo. Kiisaskan sidoo kale waxay bixiyaan fariin wadata in saraakiisha maamulka aysan u dulqaadan doonaynin dadka dhaliila, taaoo abuuraysa jawi cabsi leh oo laga yaabo in ay kor u qaaddo faafreebka.

Somaliland ayaa iskeeda ugu dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse aysan helin aqoonsi caalami ah. Waxay xudduud ay la leedahay dowlad-goboleedka Puntland.

Tan iyo bishii Janaayo, xiisadaha u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ee ku qotama muranka gobolka Sool ayaa sare u kacay iyadoo Ciidamada Somaliland la wareegeen saldhigyada Ciidanka difaaca Puntland ee magaalada Tukaraq.

Bishii Abriil 19-keedii, booliiska Somaliland waxay xireen Boqor Cismaan Aw-Maxamuud, oo loo yaqaan "Buur Madow" ka dib markii uu ugu baaqay Somaliland iyo Puntland in ay ciidamadooda kala soo baxaan Sool.

Buur Madow ayaa hadlkan ka jeediyay xaflad weyn oo ka dhacda degmada Carmo ee gobolka Bari, Puntland, taasi oo lagu caleema-saarey Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

Bishii Abriil 26-keedii, xeer-ilaalinta Somaliland ayaa ku eedeeysay Buur Madow meel uga dhacay jiritaanka Somaliland, islamarkaana uu been ka sheegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isla maalintaas ayay Maxkamadda Hargeysa ku xukumay Buur Madow shan sano oo xabsi ah. Dacwadiisii racfaanka waxaa la filayay 8-dii May, laakiin dib ayaa loo dhigay.

Abriil 15-keedii, Nimco Axmed Ibraahim [Naciima Abwaan Qorane], oo kamid ah hal-abuurka da'da yar ee Soomaaliyeed, ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyada oo lagu soo oogay dacwad ah inay kahor timid qaranimada Somaliland, islamarkaana ay ololeysay midnimada Soomaaliya.

Naciima Abwaan Qorane, oo horey ula kulantay Madaxweyne Farmaajo xilli ay booqasho ku tagtay Muqdisho ayaa lagu sii daayay 7-dii May cafis madaxweyne, ka dib saddex bilood oo xabsiga ay ku jirtay.

Bishii Abriil 16, Maxamed Kayse Maxamuud, oo ah qoraa, ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah isagoo lagu eedeeyay inuu ku kacay sharaf dil uu ku sameeyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo uu ku tilmaamay inuusan ahayn Madaxweyne qaran, balse yahay hogaamiye maamul goboleed.

Baarlamaanka Somaliland ayaa loogu baaqay in ay si deg deg ah u baabi'iso dhammaan sharciyada liddiga ku ah xuriyadda qofka ku cabirayo fekerkiisa siyaasadeed. Human Rights Watch ayaa sidoo kale ka dalbatay xeer-ilaaliyeyaasha inay iska ilaaliyaan in ay keenaan dambi ciqaabeed aan sharci ahayn.

Dastuurkii Somaliland ee 2001-kii wuxuu dammaanad-qaadayaa xurriyadda hadalka iyo warbaahinta, "sida waafaqsan sharciga." Laakiin xeerka ciqaabeedka la dhaqan-galiyay 1964-kii, waxaa ka mid ah qodobo lagu ciqaabayo qofkii ku kaco xadgudub ka dhan ah Heybadda iyo sharafta Madaxweynaha, hay'ad dowladeed, qaranka iyo calanka.

Waxaa dadka ku kacaa dembiyada lagu xukumaa in ka badan 3 sano oo xabsi ah. Somalilad wali kama aysan jawaabin eedeynta loogu soo jeediyay warbixinta Human Rights Watch.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM