Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Gollahiisa Wasiiradda, sida ku xusan wareegto kasoo baxday maanta xafiiskiisa.

Isku-shaandheyntan oo ah Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ayaa saameysay xilalka wasiiro dhowr ah, oo boosaskoodii loo magacaabey shaqsiyaad cusub.

Wareegtada Madaxweynaha Somaliland:

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)

Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Mudane,

Sida aad la socoto, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Ka Fiirsaday: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan Ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Waxaan Go’aamiyey;

1) In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

2) In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM