​Jabuti iyo Somaliland oo ka hishiiyay shaqaaqo dhacday

Image

Xukuumadaha Somaliland iyo Djibouti ayaa shaaciyey inay ka heshiiyeen khilaafkii soo kala dhex galay ee ka dhashay dagaal ciidamada badda ee labada dal ku dhexmaray xeebta Saylac, oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Kadib shir muddo saddex maalmood qaatay oo magaalada Djibouti uga socday xubno siyaasiyiin  iyo taliyayaal iskugu jira oo labada dhinac ka socday, ayaa ugu dambayntii lagu shaaciyey in khilaafkii lasoo afjaray, isla-markaana  dhinac waliba uu qaatay masuuliyadda uu dhankiisa ku lahaa dhacdadaasi.

Somaliland, ayaa dhinaceeda qiraal ka bixisay in markabkii kalluumaysi ee laga lahaa dalka Masar ee dhibaatadu ka dhalatay ku xad gudbay biyaha dalka Djibouti, halka xukuumadda Djioutina dhinaceeda qiratay inay ka dhex dagaallameen biyaha Somaliland.

Sidoo kale waxay labada xukuumadood iska raaligeliyeen wixii dhacay, iyadoo xukuumadda Djibouti ay dusha u ridatay khasaarihii halkaas ka dhacay oo ugu weynaa Askari reer Somaliland ah oo geeriyooday, iyadoo guddi gaar ahna loo

saaray sidii aysan arrintani dib ugu soo noqon.

Xukuumadda Djibouti ayaa si weyn uga cabatay markabka laga leeyahay dalka Masar oo  ay sheegeen inuu xad-gudub ku hayo kalluunka biyaha ku jira oo uu si  ka baxsan nidaamka kalluumaysiga caalamiga ah, isla-markaana uu xagaafayo noocyo aan la oggolayn in la gurto.

Heshiiskan oo heer wasiir ahaa, ayaa waxa dhinaca Somaliland matelayey wasiirradda wasaaradaha Kalluumaysiga iyo arrimaha gudaha oo uu wehelinayey taliyaha ciidamada Badda, halka dalka Djibouti joogeen wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga, Badda, xannaanada xoolaha iyo waliba taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha dowladda Jabuuti.

Hishiiska labada dhinac ayaa yimi kadib markii uu dhawaax dhexmaray ciidamo katirsan labada dhinac israsaasayn xooggan, waxaan taasi keentay dhimashada hal askari iyo khasaaro soo gaaray rakaabkii saarnaa markab falkaasi ka dhashay oo laga lahaa dalka Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM