James Swan oo fariin u diray hogaanka siyaasada Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa baaq u diray hogaamiyeyaasha siyaasadda maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Codsiga James Swan ayaa ku saabsan dhanka doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka oo muran uu ka taagan yahay.

Isagoo la hadlayay Golaha Ammaanka, Swan ayaa ku adkeystay in ay muhiim tahay in la qabto doorashooyinka oo lixdii sano ee lasoo dhaafay dib u dhacay muddo lix jeer oo xiriir ah.

Sababta ugu weyn ee loo tiiriyey ayaa ah khilaaf ka jira guddiga doorashooyinka iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda oo aan heshiis mideysan ka gaarin habraaca loo marayo coddeynta.

Mucaaradka ayaa qiray in is-qabqabsigaas uu sameeyay kalsoonida ay Somaliland ka haysatay Beesha Caalamka iyo dimuqraadiyadda "curdunka ahayd".

"Waxaan ka dalbanayaa mas'uuliyiinta iyo jilayaasha siyaasadda in ay helaan xal looga gudbi karo kala taag-taaga ka jira doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka," ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, diblumaasigaan Ameerikaanka ah ayaa ku adkeystay in ay muhiim tahay in doorashooyinka ay muhiim tahay in aysan dib uga dhicin sanadkan aynu ku jirno 2020.

Hadalka Swan ayaa imaanaya iyaddoo xisbiyada mucaaradka ay soo jeediyeen la qabto doorasho madaxweyne oo lasoo horumariyey markii ay Biixi ku eedeeyeen in uu ku fashilmay hogaaminta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM