Keating oo ka warbixiyay Booqashadiisa Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa ka warbxiiyay Kulamo uu tan iyo shalay magaalada Hargeysa kula qaatey Madaxda Somaliland.

Keating ayaa Bogga Twitter-kiisa kusoo qoray in uu la kulan gaar ah la qaatey Gollaha Wasiiradda cusub ee maamulka Somaliland kaasi uu shir gudoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin.

Waxyaabaha Keating iyo Xukuumadda Somaliland wadahadleen waxaa kamid ah caqabadaha taagan, amaanka, Abaaraha, Barakaca, shaqa abuurka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo mashaariicda horumarinta.

Madaxweyne Buuse Biixi [Bidix] oo soo dhaweynaya Michael Keating [Midig]

Keating ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo isna uu kala hadlay xiriirka iskaashiga Somaliland iyo QM, Doorashada Baarlamaaniga maamulkaasi 2019-ka, Gargaarka, amaanka gobolka.

Waxay booqashadan Keating kusoo beegantay xilli Xiisada colaadeed oo u dhaxaysay Puntland iyo Somaliland ay ka taagan tahay gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo 8dii bishan la wareegeen ciidamada maamulka Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM