Kenya oo martigelineysa shir ay maalgashi ku raadineyso Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in ay martigeliso shir ay maalgashi ku raadineyso Somaliland, sidda ay xaqiijiyeen illo kala duwan.

Shirkaas oo bisha November ka qabsoomaya xafiiska maamulka Hargeysa ee Nairobi ayaa looga hadlayaa arrimaha Tamarta iyo Kaabeyaasha dhaqaalaha.

Baashe Cumar, wakiilka Somaliland ee Kenya, ayaa tibaaxay in kulanka uu qeyb ka yahay himilada maamulkiisa ee raadinta maalgeshato shisheeye.

"Waxaanu ugu talogalnay in aan abuurno jawi lagu horumarinayo qaybo kamid ah oo waxtar u leh bulshadda," ayuu hadalkiisa ku daray wakiilka.

Qaban-qaabada oo socota ayaa timid markii Baashe uu dhowaan la kulmay Wasiirta Tamarta Kenya, John Munyes, oo ay iskaashi kawada xaajoodeen.

Si lamid ah, waxay isla soo qaadeen xaaladda gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan ammanka iyo kawada shaqeynta xasiloonida madiqadda.

"Waxaan kaloo kawada hadlnay in Somaliland ay leedahay wax soo saar badan oo Shidaal iyo Saliid iyo sidii aan dhankaa iskaashi uga yeelan lahayn," ayuu xusay.

Somaliland ayaa waxaa la sheegayaa in ay haatan haysato 24-xirmooyin shidaal, kuwaasi oo la tibaaxay in ay saddex shirkaddo kala qeybsadeen.

Talaabada ay Kenya ku martigelineyso kulankaas ayaa kusoo aadaya iyadda oo dacwad u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay hortaalo ICJ.

Kiiskaas, oo soo jiitamayay tan iyo 2014-kii ayaa wuxuu ku saaban ahay goob hodan ku ah kheyraad oo xuduudka labadda ku taala.

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii sheegta in ay ka madax banaan yihiin Soomaaliya inteeda kale, wallow aysan heli aqoonsi caalami ah.

Tan iyo markii ay sii karkartay xiisadda kala dhaxeysa Muqdisho, xukuumadda Nairobi ayaa waxay aad ugu sii dhawaaneysay maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

Dhowaan diblumaasiyiin sar-sarre oo ka socda Kenya ayaa u tegay magaaladaas, qiimeyn ku aadan qunsulyad ay qorsheynayan in ay halkaas ka furtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM