​Khilaaf ka taagan kala qaadista doorashada Somaliland

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waxaa dood weyn ka taagantahay kala qaadista doorashada Madaxtooyada iyo midda golaha wakiillada Somaliland oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo Sheegay in la kala qaadayo.

Waxaa tallaabadaasi walaac ka muujiyay beesha caalamka gaar ahaan dalka Ingiriiska, waxaase hadda ku biiray Mid kamid axsaabta siyaasadda Somaliland iyo maxkamadda Dastuuriga ah kuwaasoo ku adkaysanaya in doorashada loo qabto sidii hore.

Xisbiga WADDANI oo horkacayo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxamaan Cirro, oo ka maqnaa kulankii Barlamanku ku ansixiyeen go'aanka Siilaanyo, ayaa taageeray baaqii beesha caalamku ku cambaaraysay tallaabada Madaxwaynaha Somaliland ku kala qaaday doorashooyinka oo mar qura dhici lahaa sannadka 2017-ka.

War-murtiyeedkan oo ka kooban 8 qodob ayaa xisbigu ku taageeray go’aankii Komishanka doorashooyinka iyo Qaraarkii Maxkamada sare.

  • Saddexda Xisbi qaran waxay madaxwaynaha kalsooni buuxda ku siiyeen xallinta saami qaybsiga golaha wakiiladda waxaanay u ballan qaadeen in ay ku raaci doonaan  go’aan kasta oo uu xal u arko oo uu kasoo saaro saluugga gobolada dalka iyo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiladda, maaddaama ay tahay waajibaadka xukuumadda.
  • Xisbiga Waddani wuxu cambaaraynayaa isla markaana u arkaa sharci darro nuxurka qoraalka Madaxweynuhu u gudbiyey golaha baarlamaanka ee ku saabsan kala qaadista labada doorasho (wakilada & Madaxtooyada), iyadoo hawsha doorashada loo igmahday Gudiga Doorashooyinka Qaranka.
  • Xisbiga waddani wuxu ayidsan yahay g’oaankii Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay wada qabashada labada doorasho oo ah in ay qabsoonto 28/3/2017.
  • Xisbiga Waddani wuxu ayidsan yahay go’aankii ay ku caddeeyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku in ay diyaar u yihiin qabsoomida labada doorasho muddadii loo cayimay oo ah 28/03/2017.
  • Xisbiga Wadani wuxu  xasuusinayaa MW Axmed Maxamed Siilaanyo in uu qaato go’aan la mid ah kii uu qaatay Mudane Daahir Riyaale Kaahin ee suurto gal ka dhigay qabsoomiddii doorashada golaha wakiiladda ee qabsoontay 2005.
  • Xisbiga waddani wuxu taageersan yahay si weynna u ayidayaa baaqii beesha caalamka iyo taageerayaasha doorashooyinka Somaaliland ay ka soo saareen wareegtada qayrul sharciga ah oo aanu aaminsanhay in madaxaynaha la hoosdhigay.
  • Xisbiga waddani wuxu u taagan yahay badbaadada qarnimada Somaliland waxaanu ka soo horjeedaa wax kasta oo lagu carqaladaynayo qabsoomidda doorashooyinka oo ina dhaxal siin kara burbur aan laga soo kaban Karin.
  • Xisbiga waddani  wuxu ugu baaqayaa shacabka Somaliland ilaalinta wadajirka ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadinta qaranimada Somaliland.

Qaraarkii Maxkamada Sare ka gaadhay doorashooyinka SL 18/08/2015

Maxkamada dastuuriga ah ee Somaliland ayaa soo saartay in labada doorasho mar la wada qabto sannadka 2017 ka.

Qaraarka Maxkamada sare oo ay ku saxeexan yihiin 12 xubnood oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in qaraarkani yahay ka rasmiga ah ee doorashada cayimi kara.

“Waxa ay Go’aamisay Maxkamaddu in maalinta Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiiladu noqoto 28/03/2017 kuna beegan Bil ka hor dhamaadka Mudada xilka loo kordhiyay oo ah 27/04/2017. Waana in si rasmi ah u soo cayinto Gudidda Dooraashooyinka Qaranku isla markaana waa in Madaxweynuhu ku soo saaro Degreeto sida uu dhigaayo Qod: 8aad ee Xeer Lr/20/2001,”Ayaa lagu sheegay go’aan maxkamada sare ee Somaliland soo saartay August 18, 2015

Maxkamadda ayaa sidoo kale ayiday go’aanka golaha guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyay Madaxwaynaha, ku-xigeenka iyo golaha Wakiiladda Somaliland.

Madaxtooyada oo ka hadashay cambaaraynta Beesha Caalamka

Arrimahaasi oo idil, waxaa maanta ka jawaabtay madaxtooyada Somaliland, waxayna beesha caalamka ku wargalisay in qorshahan loo sameeyay maslaxadda shacbiga maamulkaasi, wuxuuna ku adkaysteen in tallaabadaasi hirgali doonto.

War-saxaafadeed oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa sheegay in sababta u kala saaareen ku jirto maslaxadda iyo danta Somaliland.

Xisbiga Kulmiye oo difaacay tallaabada Siilaanyo doorashada ku kala qaaday

Xisbul xaakimka KULMIYE, ayaa ayiday tallaabada Siilaanyo u kala qaaday doorashada, wuxuuna fariin u diray dhinacyada ka horyimid, isagoo ugu baaqay inay u hogaansamaan amarka madaxweynaha.

"Waxaan leeyahay erayga ay soo qoreen ee ah ee kala saaridda waxaan leeyahay eraygaasi waxaan leeyahay nama qabato, waxaanu nahay dal yar oo curdin ah oo dhibaatooyin badan imika ka soo baxay, laakiin ninkasta oo xoog weyn iyo nin kasta oo dhaqaale leh waxaan u sheegayna in taladayada cidina noo yeedhin cidina noo sheeginne aanu qabweynahay oo imaanu leenahay,"Sidaas waxaa yiri Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Lama oga sida qorshahan u hirgali doono, waxaase xusid mudan inay jireen khilaafaadyo kala duwan oo ka dhashay qaybsiga kuraasta Barlamanka iyo muddo kordhintii horay loogu sameeyay xukuumadda Siilaanyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM