Kiisaska iyo dhimashada Corona ee Somaliland oo sarre u kacday

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqdey in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 19 kiisas cusub oo ah safmareenka Coronavirus.

Sidda laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda, kow iyo tobban [11] kamid ah bukaanadda waa rag, 8 qofna waa dumar.

Dhamaantooda waa muwaadiniin, balse waxaa kamid ah lix ruux oo dhowaan kasoo laabatay Jamhuuriyadda Jabuuti, sidda ku cad warbixinta.

Da’da bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: 10jir ilaa 20jir = 1 qof, 20jir ilaa 30jir = 2 qof, 30jir ilaa 40jir = 1 qof, 40jir ilaa 50jir = 4 qof, 50jir ilaa 60jir = 6 qof iyo 60jir ilaa 70jir = 5 qof.

Bukaanadan waxaa 13 kamid ah ay degen yihiin Gobolka Maroodi Jeex - magaaladda Hargeysa, halka 6 qofna degen yihiin Gobolka Awdal - magaalada Boorama.

Waxaa xanuunka ka bogsaday, saacadihii lasoo dhaafay, hal qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee caafimaadey sideed [8].

Laba qof oo da’doodu ahayd 76-jir iyo 52-jir ayaa sidoo kale geeriyooday taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan u dhintay dalkeena sideed (8). Labada marxuum waxay horey ula ildarnaayeen xanuuno kale.

Ugu dambeyntii, wasaaradda ayaa cod dheer ugu waanisay dadweynaha in ay raacaan talooyinka caafimaadka "maadaama cudurka uu si baaxad leh u faafayo, isla markaana saameyntiisa ay sii kordheyso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM