Korneyl Caare oo ka warbixiyey wada hadalka uu kula jiro Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Korneyl Caare, horjoogaha Jabhadda loogu magacdaray "Dulmi-diid" ee dagaalka kula jirta Somaliland, ayaa wuxuu xaqiijiyey in uu wada hadalo kula jiro xukuumadda Muuse Biixi.

Wada hadaladda oo yimid kadib markii ay Puntland kala noqotay tagaeeradii sarkaalkan kasoo baxsaday ciidamada maamulka Hargeysa ayaa waxaa garwadeen ka ah odayaal ka socda beeshiisa.

Isaga oo kasoo muuqday lagu baahiyey baraha bulshadda, Caare ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in wada xaajoodyadda laga sameeyay horumar, isla markaana "la isku afgartay" saddex qodob oo kala ah;

In nabad la raadiyo

In xabad-joojin la sameeyo

In wada hadalo la furo

Geesta kale, qaar kamid ah saraakiisha ciidamadda Somaliland gaar ahaan ragga ugu awooda badan ee xilalka sarre haysa ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedan "dedaaladda nabadda" ee uu waddo.

"Marka aan soo galo aniga oo nabad wadda, waxaan la kulmayey dhibaatooyin aad u culus oo taliye Nuux [hogaanka taliska ciidamadda Somaliland] uu ka dambeeyo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Iyadda oo xafiiska Biixi uusan wali ka hadlin wada hadalka oo la sheegayo in ay meel xasaasi ah marayaan, haddane Caare oo sii hadlay ayaa wuxuu ka digay in la isku dayo in awood loo adeegsado.

“Jabhaddan waa mid hubeysan oo golaheeda dhexe leh oo odayaasheeda leh, ma ahan qof qoorta lasoo qabanaayo oo la hogaaminayo. Hadii ay laba qaybood u qabsameyn oo qaybi qabatay Hargeysa qaybina fadhido Ceerigaabo, oo ay suurtogelin waayeen arrintii aynu ku balanay cawaaqib xumada ka imaan doonta cid baa mas’uul ka noqon doonta," ayuu xusay.

Isku dhacyadda Jabhadda Caare iyo Somaliland oo muddo socda ayna ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah, si lamid ah barakac ah shacab, ayaa xukuumada Biixi ku noqotay laf-dhuun gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM