Kulamada Wakiilka QM ee Soomaaliya la leeyahay Madaxda Somaliland

Image

HARGEYSA- Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating oo booqasho ku tagey xarunta Somaliland ee Hargeysa maalintii Axada ayaa kulamo la qaadanaya madaxda maamulkaas ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Ergeyga ayaa aqalka looga arimiyo maamulka Somaliland kula kulmey Madaxweyne Muuse Biixi, ku xigenkiisa Cabdiraxman Cabdulahi Ismaaciil, Gudoomiyaha aqalka Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha aqalka Wakiilada Baashe Maxamad Cade iyo Wasiirka arimaha dibada Sacad Cali Shire. 

Kulankaan ayaa intiisa badan diirada lagu saarey khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland gaar ahaan xaalada kacsan ee ee ka taagan deegaanka Tukaraq, ee gobolka Sool.

Wararka warsidaha GO ka helay wadahadalka Wakiilka Qaramada Midoobey la qaatey maalintii shaley madaxda Somaliland ayaa sheegaya inay diideen codsi ergeygu u soo gudbiyey madaxdaas kasoo ahaa iney dib uga soo noqdaan tulada Tukaraq oo ciidamadoodu qabsadeen sanadkaan horaantiisa.

Ilo ku dhow kulankaan oo diidey magacooda in aan xusno ayaa sheegey in Madaxweyne Biixi oo goobta shirkaan ka socdey keeney madaxda labada aqal ‘Wakiilada & Guurtida” ay sheegeen in talaabada ciidamada ku qabsadeen Tukaraq tahay mid aan dib looga noqon karin ayna golayaashu ka dhigeen sharci. 

Micheal Keating ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay saaka kulan la qaadanaya gudoomiyaha aqalka Wakiilada Baashe Maxamad Cade kaasoo diirada saari doona xaalada kacsan ee Tuulada Tukaraq halkaas oo ciidamo labada maamul ka tirsan qarka u saaran yihiin in dagaal ka dhex qarxo.

Gudoomiyaha aqalka Wakiilada Baashe Maxamad Cade oo kasoo jeeda gobolka Sool ayaa qayb ka ahaa qorshihii ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tukaraq. Baashe ayaa markii ciidamada gacanta ku dhigeen tuuladaas saacado kadib aqalka wakiilada ka ansaxiyey in weerarkaan yahay mid sharci ah oo aan dib looga noqon karin.

Maamulka Puntland oo ciidamo badan soo dhoobey duleedka Tukaraq ayaa beesha caalamka gaar ahaan Qaramada midoobey welwel ka muujisay in halkaas dagaal ka qarxo.

Somaliland ayaa horey ugu dhawaaqdey iney ka go’dey dalka Soomaaliya intiisa kale ayaan helin aqoonsi caalami ah iyadoo gobolka Sool sheegtaa inuu qayb ka yahay maamulkaas. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM