Maamulka Somaliland oo digniin u diray Beesha Caalamka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa waxay Beesha Caalamka kaga digtay "talaabooyinka lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuqraadiyadda" maamulkaas.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Hargeysa, waxay cabasho ka yihiin qoraal dhowaan kasoo baxay Saaxiibadda Aduunka.

Si gaar ah waxay ashtakadda quseysaa dhanka doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan qoondada kuraasta degaan doorashadoodu tahay degaanadda maamulka Somaliland.

Qoraalka oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in Somaliland aysan qeyb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya qorshuhu yahay in ay ka dhacaan 2020-21.

"Sidoo kale, Somaliland waxay aaminsan tahay in isku day kasta oo arrintaan la xiriirta ay gobolka u keeni karto cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Daneeyeyaasha dunida ayaa ku baaqay in doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka dambe ay waqtigooda ku dhacaan, taasoo meesha ka saareysa muddo kororsi laga digayo.

Somaliland ayaa madaxbanaani dooneysa tan iyo 1991-dii, balse wali aqoonsi kama helin caalamka. Xildhibaanada ku metela baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu doortaa magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM