​Maamulka Somaliland oo ka horyimid doorashooyinka kasocda Somalia

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa mar kale ku celiyay qaadacaad ku aadan doorashooyinka Aqalka hoose iyo kan sare ee Barlamanka Federalka Somalia, kuwaasoo ka socda Muqdishu iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka qaybtood.

Wasiirka Arrimaah dibadda Dr, Sacad Cali Shire, ayaa warbaahinta u sheegay inaysan saamayn ku yeelan doonin doorashooyinka kasocda magaalada Muqdishu gaar ahaan kuwa Aqalka sare ee la sheegay inay ka imaanayaan dhinaca maamulka Somaliland.

Shire, ayaa in dacaayadaha kasocda baraha Internetka aysan wax ka badali doonin qadiyadda Somaliland ee ku aadan xiriirka Somalia.

"Waxaa maalmahan lagu baahinayay baraha Warbaahinta gaar ahaan baraha Bulshada ku kulmaan in Somaliland qayb ka tahay Nidaamka lagu samaynayo Barlamaanka Federaalka Somalia iyo Aqalka Sare Somalia yeelato, taasi xaqiiqdii waa mid runta ka fog,"Ayuu yiri wasiirka Arrimaah dibadda Somaliland oo saxaafadda la hadlayay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan matalin shakhsiyaadka xilalka u doontay magaalada Muqdishu isagoo xusay inay taasi abuuri karto kala fogaansho iyo colaad gobolka ka dhacda.

"Xaqiiqdii in dadka kasoo jeeda Somaliland jagooyin ka qabteen dowladda Somalia, macnaheed ma ah inay matalaan Somaliland,"Ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Sacad Cali Shire.

Mar uu sii hadlayay, wuxuu sheegay in maamulka Somaliland ka go'ay dowladda Federalka Somalia 25 sano ka hor islamarkaana hadda ay yihiin dowlad gooni ah oo qar u saaran aqoonsi caalami ah, isagoo xusay inaysan diyaar u ahayn inay la midoobaan dowladda Dhexe.

Hadalka, ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdishu lagu dooranayo xubno kasoo jeeda maamulka Somaliland kuwaasoo tartankoodu kasocda caasumadda Somalia inkastoo madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Afhayeenka Barlamanku kasoo horjeedaan in kuraasta ka imaanaysa Sool, Sanaag iyo Cayn loo xagliyo dhinaca Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM