​Maamulka Somaliland oo loo fasaxay dhoofka Xoolaha

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in loo fasaxay dhoofka Xoolaha nool  ee ay iib-gayn jireen dalka Boqortooyada Sucuudiga, taasoo muddo ay saarnayd Xayiraad saamaysay guud ahaan dalka Somalia.

Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Cabdullaahi Maxamed Cukuse oo warkan Hargaysa kaga dhawaaqay ayaa sheegay in Carafada soo socota oo muddo yar ka harsantahay ay bilaamayso dhoofinta Xooluhu.

“Waxaan doonaya in ummadda aan ugu bishaareeyo in la inoo furay iibka ama dhoofkii Xoolaha oo muddo inaga xayirnaa ,dadaal badan iyo baryada ilaahay oo la inaga aqbalay ka dib dalka Sucuudi Carabiya waxay noo ogoladen Mosinka xajka Xoolihii noolaa ee awalba aynu u dhoofin jirnay inan u dirno,”Ayuu yiri Cakuse wariyeyasha la hadlayey.

Cukuse ayaa intaas ku daray in wafdi uu hogaaminay Madaxweynaha Somaliland uu u tagay waddanka Boqortooyada Sucuudiga sidii xal looga gaari lahaa arrintan keentay in la hakiyo dhoofka xoolaha.

Arrintan ayaa soo baxday maalin kadib markii dowladda Somalia shaaca ka qaaday in Sucuudigu fasaxay dhoofka xoolaha, waxaana wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Muqdishu kula hadlayay warbaahinta uu xusay in sannadkan la dhoofin doono in kabadan 1 Milyan oo Ari ah.

Dhoofka Xoolaha ee Sucuudiga iyo Somalia oo 40 sanno ka badan soo socday ayaa ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee lafdhabrta u ah ganacsiga iyo dhaqaalaha waddanka kasoo kabanaya bur-burka iyo colaadaha Sokeeye, waxaana sanadihii u danbeeyey dhawr jeer ku yimid hakad dowladaasi sabab uga dhigto kalsooni darro ku aadan caafimadka iyo tayada maxjarada lagu hubiyo.

Maamulka Somaliland oo iskiis madax-banaani ugu dhawaaqay welina aan helin aqoonsi caalamiya ayaa u muuqda inuu ka intifaacsanayo go’aankii u kula saftay dowladaha Sucuudga,Imaraadka,Baxarayn iyo Masar oo xiriirka u jaray Qadar.

DF oo ay ka tirsan yihiin maamullada kele Somalia ayaa mawqif dhex-dhexaada ka istaagtay khilaafkan tasoo loo fasiray mid u xaglinaysa dhanka dowladda Qadar oo iskaashi la xusi karo aan la lahayn Somalia marka loo eego dawladaha kele ee ay is hayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM