Maamulka Somaliland oo xilal dheraad ah u magacaabey Reer Sool

Image

HARGEYSA- Kadib markii Madaxweynaha Somaliland isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada, agaasimayaasha iyo taliyaaasha ciidamada 15 August ayaa waxaa soo baxaya warar aheegaya in talaabadaan diirada lagu saarayey sidii maamulkaas loogu soo dhoweyn lahaa shacabka gobolada Sool iyo Sanaag.

Isbadalada ugu muhiimsan ee isku shaandheyntaan soo kor dhisay kuwasoo loo magacaabey xubno kasoo jeeda gobolka Sool ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga oo loo magacaabey Yaasiin X. Maxamud Xiir [Faratoon], Guuleed Maxamed Shire, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Yusuf Axmed Faarax (Af-lahaar),  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha, Maxamed Axmed Xasan (Jabarti),  Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka, Maxamed Axmed Aadan (Maxamed Boocame). Wasiiru Dowlaha Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta, Sarreeye Guuto, Saleebaan Barre Xasan, Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Somaliland, Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), gudoomiyaha  gobolka maroodi jeex iyo laa taliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha xaaji Jeeni yare.

Dhamaan xubnaha loo magacabey xilalkaan ayaa kasoo jeeda gobolka Sool iyadoo wararka sheegayaan in talaabadaan aysan qayb ka aheyn wadahadalada la sheegey in malamahaan u socdeen xubnaha Khaatumo iyo Somaliland.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in magacabistaan ku soo beegmeyso xilli maamulka Siilaanyo dadaal ugu jiro sidii diwaangalinta doorashooyinka uga dhici laheyd gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Magalaada Buhoodle ayaa sidoo kale waxa asbuucaan booqasho ku tagey Wasiirka Caafimaadka Somaliland kaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey waxaana wararku shegayaan in uu halkaas Xaglo toosiye kawado dadaalo uu banaanka kaga dhigayo gobolkaan siyaasiyiinta Puntland iyo kuwa Khaatumo kasoo jeeda.

Madaxwyne ku xigeenka Puntland oo degaan ahaan kasoo jeeda magalaada Buhoodle ayaa ilaa hadda ka hadlin isbadaladaan ka socda guud ahaan gobolka Sool iyo qorshaha siyaasdeed xukuumadiisu ka leedahay isbadaladaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM