Madax ka tacsiyeysay geerida marxuum C/kariim Cabdi Waraabe

Image

HARGEYSA, Somaliland - Alle ha u naxriistee, waxaa maanta magaalada Hargeysa, caasimada Somaliland ku dhintay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf [Cabdi Waraabe].

Marxuumka oo ahaa oday dhaqameedka ugu da'da wayn degaanada Somaliland ayaa kaalin wayn ku lahaa dhisitaanka xukuumadihii isaga kala dambeeyay ee maamulkaasi.

Madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Puntland iyo maamulka Somaliland ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh ay u direen qaraabada uu ka baxay Marxuumka.

"Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo nabadda jecel, waxa uu door muhiima ku lahaa xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanada Soomaliland, Isla markaana waxa uu kasoo qayb-qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariisto, Alle Janadiisa Fardawsa haku abaalmariyo, su'aasha qabriga Alle ha u sakhiro, samir iyo imaanna Alle ha inaga siiyo," ayuu yiri Deni.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ugu da' waynaa xeer-dejinta xukuumadda gooni isu taagga ah ayaa da'diisa waxaa lagu sheegay in ay ahayd 121 sano.

“Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed," ayuu yiri Farmaajo.

Marxuumka oo ahaa nin si wayn loogu xasuusto dib u heshiisiinta ayaa wuxuu sanadkii 1898-dii ku dhashay miyiga magaalada Hargaysa, waqoyga wadanka Geeska Afrika dhaca.

"Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu astaan u ahaa nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo," ayuu yiri Khayre.

Kahor aas-aaska Somaliland, Xaajiga ayaa lasoo shaqeeyay maamuladii Aadan Cabdulle Cismaan, Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Maxamed Siyaad Barre.

"Xaaji Cali Waraabe waxa uu ahaa Rukun ka mida Rukamada Somaliland ku aas-aasantay, tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland, waxa lagu yaqaanay diin jacayl dad ururin iyo daacadnimo," ayuu yiri Muuse Biixi.

Sikastaba ha ahaatee, Xaaji Cabdi Waraabe oo lagu xasuusto in uu ahaa ruux go'aan qaadasho leh ayaa mar sii noqday guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland.

MUUQAALKA TACSIDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM