Madaxweynaha Somaliland oo ka dagay Ethiopia

Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kadib casumaad ay ka heleen xukuumadda dalkaas.

Biixi, ayaa saaka ka duulay magaalada Hargaysa, isagoo ay weheliyaan qaar kamid ah golahiisa xukuumadda gaar ahaan; Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gudaha, Waxbarashada, Ganacsiga iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Safarkan ayaa wararka la xariira waxay sheegayaan inuu ku saabsanyahay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen hormarinta amniga iyo ganacsiga.

Mas'uuliyiinta katirsan xukuumadda Ethiopia, ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay magaalada Addis, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda la kulmaan madaxda ugu saraysa dalkaas.

Qoraal kooban oo lasoo shigay Barta Madaxweyne Biixi ku leeyahay Twitter-ka, ayaa lagu sheegay inay tahay sidii labada dhinac uga wada arrinsan lahaayeen danaha Somaliland iyo Ethiopia.

Warar kale ayaa sheegaya in socdaalkan uu la xariiro xiisadda u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee ka taagan gobolka Sool, iyadoo la filayo in Madaxweyne Gaas booqasho ku tago magaalada Addis maalamaha soo socda.

Dalka Ethiopia oo kamid ah waddamada ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, ayaa saamay ku leh arrimaha dalka, waxaana inta badan madaxda maamullada ay booqashooyin is xig xiga ku tagaan magaalada Addis iyadoo inta badan ay sheegaan in safaradooda la xariiraan amniga iyo Ganacsiga.

Waa booqashadii ugu horaysay ee Muusa Biixi ku tago magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM