Madaxweynaha Somaliland oo magacaabey guddi aqoonsi raadis

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay guddida ictiraaf raadin oo ka hawlgeli doona fududaynta sidii Somaliland beesha caalamka aqoonsi uga heli lahayd.

Gudigaan  oo ka kooban 18-xubnood, ayaa ka kooban siyaasiyiin hore , golaha wasiirrada, goloaha guurtida, aqalka wakiillada iyo xisbiyada mucaaridka ah, ayuu madaxweynuhu sheegay inay diiradda saari doonaan sidii  loo diyaarin lahaa qorshihii Somaliland ictiraaf ku heli lahayd.

Warsaxaafadeedka uu madaxweynuhu guddidan ku magacaabay ayaa sidan u qornaa;

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta  ayaa u dhignayd sidan:-

Ujeeddo:       Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas'uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

1.       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah,  Dr. Sacad Ali Shire  Guddoomiye

2.       Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi  

3.       La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

4.       La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdoo Axmed Aayar

5.       Wakiilka Wareega ee Somaliland                         Mudane, Raabi Axmed Mohamed

6.       Wakiilka Somaliland ee Turkiga                                        Mudane, Cali Axmed Cismaan

7.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                        Marwo, Edna Aadan Ismaaciil               

8.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                        Prof. Maxamed Siciid Gees

9.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                       Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

10.   Wasiir Hore, Kalluumaysiga                                            Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

11.   Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud                              Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

12.   Professor, Macalester College, Minnesota                       Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

13.   Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa       Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax

14.   Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah                              Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac          

15.   Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada        Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe

16.   Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida         Mudane, Axmed Daahir Jirde

17.   Guddoomiyaha Xisbiga UCID                                         Eng. Faysal Cali Waraabe

18.   Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani                         Aqoonyahan C/raxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas'uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax), Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM