Madaxweynaha Somaliland oo u Safray Jabuuti [Video]

Somaliland
By Wariyaha Hargeysa , GAROWE ONLINE

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Sabti ah safarkii ugu horeeyay ugu ambabaxay dalka Jabuuti.

Waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Sacad Cali Shire, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Caddaalada, Cabdiqani Maxamuud Cateeye, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal Imaan, Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo Guuto Cabdi Xirsi Ducaale.

Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo qaadan doono mudo maalmo ah, ayaa ka dambeeyay martiqaad uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxtooyadda Somaliland wax fahfaahin ah kama bixin socdaalka waxa uu salka ku hayo iyo waxyaabaha ay kawada hadli doonaan Madaxda dalka Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa loo doortay Madaxweynaha 5aad ee Somaliland kadib markii uu doorashadii dhacday 13-kii November, 2017 uga adkaaday musharaxiinta Waddani iyo UCID, Cabdiraxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey