Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay raaseynta ciidamada Badda Somaliland

Image

Hargeysa:Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay is-rasaasayntii dhawaan ciidamada badda ee Djibouti iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray xeebta deegaanka Saylac, waxana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda.

Madaxweynaha oo  ka  safar dalka dibaddiisa ah kasoo laabtay, ayaa si cad u sheegay inaanay faraha ka laaban doonin difaaca dalka, balse  carrabkiisa waa uu ka ilaaliyey dalka Djibouti oo ciidamadoodu dhawaan weerareen Markab kalluumaysi oo ruqsad ka haystay Somaliland.

“annagu Somaliland haddaanu nahay wixii dalkayaga dani ugu jirto difaaciisa waanu difaacaynaa, waana ka warqabaynaa, waana la soconaynaa”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Hadalka madaxweyne siilaanyo ka yiri difaaca dalkiisa, ayaa ka dambeeyey iskudhac dhimasho keenay oo dhawaan ciidamada badda ee Somaliland iyo Djibouti ku dhexmaray xeebaha aagga Saylac, iyadoo hal askari oo ciidanka Somaliland ahi halkaas ku dhaawacmay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM