Madaxweyne Siilaanyo oo ku wajahan Laascaano

Image

HARGEYSA: Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku soo gaarey 31Jan, 2016 magaalada Burco ayaa la filayaa in kulamo halkaas kula yeesho qaybha kala duwan ee bulshada gobolka Togdheer.

Safarka madaxweyne Axmad maxamad Silaanyo ayaa la filayaa inuu gaaro magaalooyin kale ee ka tirsan Bariga Somaliland sida  magaalada Laascaano iyo Ceerigaabo sida warsidaha Garowe online u sheegeen ilo ku dhow xafiiskiisa.

Booqashada Silaanyo iyo waftigiisa ayaa la xiriirta ololaha doorashada Somaliland ee sanadka soo socda iyadoo ilo xogogaal sheegayaan in dadka dagan gobolka Togdheer ku wargalinayo inuusan musharax aheyn xiligaan islamarkaana tageeraan gudoomiyaha Kulmiye Muse Biixi oo ah musharaxa xisbiga.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweyne Silaanyo iyo waftigiisa boqoasho kadis ah ku tagaan magaalada Buhoodle ee gobolka Cayn halkaasoo iminka uu ku sugan yahay wasiirkiisa caafimaadka Xaglo-toosiye.

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmad Xaglo-toosiya ayaa magaalada Buhoodle dhowaan la tagey ciidamo farabadan kuwasoo la filayo iney ka qayb qaadan doonaan amni sugida waftiga madaxweynaha Somaliland.

Booqashda Silaanyo ee Buuhoodle ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee madaxweyne Somaliland ah ku tago magaaladaas oo ka tirsan gobolada Sideeda ah ee maamulka Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM