Magacyadda mas'uuliyiinta xisbiga Waddani ee jeelka loo dhaadhiciyey

Image

HARGEYSA, Somaliland – Sarre u kac ayaa ku yimid tiradda mas'uuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ay ciidamadda ammaanka ku xireen goboladda kala duwan ee maamulka Somaliland.

Illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyey in ay xiran yihiin lix mas'uul kuwaas oo laga kala xiray magaalooyin ay ku jirto Hargeysa.

Barkhad Jaamac Baatuun, afhayeenka Waddani, ayaa habeenimadii Axadda la xiray kahor inta aan la jirdilin, sidda lagu arkay sawirro ay baahisay saxaafadda.

Si lamid ah isla habeenkaas waxaa xabsi loo dhaadhiciyey Khadar Cabdi, xoghayihii xisbiga. Lama ogga hadii la garaacay.

Saleebaan Saciid, gudoomiyaha xisbigaas ee gobolka Saaxil ayaa Isniintii laga qabtay magaaladda Berbera, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen xubno ku dhow ehelkiisa iyo xafiiskiisa.

Warfidiyeenada Boorama ayaa kusoo waramaya in Xaawo Rooble, oo ah Guddoomiyaha garabka haweenka Xisbiga Wadadani ee Gobolka Awdal si lamid ah xabsiga loo taxaabay.

Ciidamada amaanka ayaa Talaadada maanta ah xabsiga u taxaabay Gudoomiyihii degmada Berbera ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Xuseen Gambo, kaasoo la sheegay in loo gacan-qaadey.

Gudoomiyihii Garabka dhalinyaradda Xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal, Rashiid Jaamac, ayaa goordhoweyd xabsiga loo taxaabay sida ay ii xaqiijiyeen xubno kala duwan.

Dhamaan xubnahaan ayaa la beegsaday markii xisbigooda ku dhawaaqay isu soo bax balaaran oo ka dhan ah xukuumadda isla markaana ku dalbanayaan qabsoomida doorasho xor ah.

Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha xisbiga Waddania, oo xariga xubnahaan ku sifeeyay "sharci darro" ayaa wuxuu ku tartarsiiyey taageereyaashiisa "in aysan aqbalin sharci ku tumashadda".

Xarunta Xuquuqul Insaanka iyo Ururo saxaafadeed ayaa si wadajir ah u cambaareeyay "xadgudubyadda" liddiga ku ah mucaaradka iyo warbaahinta qaar oo xayiraad lagu soo rogay.

Dhinaca kale, xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi illaa iyo haatan kama aysan faa'iideysan fursad loo siiyey in ay ka jawaabto eedeymaha.

Qalalaasaha kasoo cusboobaadey Somaliland ayaa salka ku haya ismaandhaaf ka taagan doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo muddo shan jeer ah horey dib u dhac ku yimid.

Somaliland ayaa ah maamul sheegta in uu ka madax banaan yahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo sanadkii 1991-dii. Balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM