​Mas'uuliyiin ka socota DP World oo Hargaysa tagay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA- Wafti kasocday shirkadda DP World oo dhawaan xukuumadda Somaliland la saxiixdey heshiis lagu horumarinayo dekedda Berbera, ayaa soo gaaray magalada Hargaysa, waxana soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo saraakiil kale.

Mas'uuliyiintan oo hoggaaminayey madaxa shirkadda DP World,  Sultan Axmed bin Suleyman, ayaa gegida Berbera kasoo degay, waxana ay socdaal kooban oo indho indhayn ah kusoo mareen marsada Berbera oo ah goobta ay maalgashiga ku samayn doonaan.

Xubnahan, ayaa markii dambe loosoo galbiyey dhinaca caasimadda Hargeysa, iyadoo kulamo la yeeshay madaxweyne Siilaanyo iyo saraakiil kale oo xukuumadda katirsan.

Kulan kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha shirkadda DP World, waxayna ka warameen socdaalka mas'uuliyiinta iyo qorshayaasha ku saabsan dhismaha dekedda Berbera.

Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha xubnahaasi sare, wuxuuna xusay inay faa'iido weyn heleen shacabka Somaliland isagoo dowladda Imaaraadka Carabta iyo Amiirka Dubai uga mahadceliyay gacantii ay ku lahaayeen mashruuca.

Dhinaca kale, waxaa isna arrinta dekedda Berbera, ka hadlay Agaasimaha shirkadda DP World, Sultan Axmed bin Suleyman, wuxuuna ammaanay marsada iyo goobta ay ku taallo, isagoo xusay inay tahay meel mudan in la maalgaliyo, wuxuu sidoo kale ammaanay maamulka iyo shaqaalaha ka howl gala.

Arrin ku saabsan doorka mashruucan ku lahaa ganacsadaha reer Jabuti Cabdiraxmaan Boorre, ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna xusay inuusan warkaasi ahayn mid xaqiiqda ku salaysan isagoo sheegay inuu maqley, balse aysan jirin door uu ku lahaa.

Shirkadda DP World, ayaa dhawaan heshiis lacag badan ku kacaya oo lagu maalgelinayo marsada Berbera la saxeexday xukuumadda Somaliland, waxana la filayaa in heshiiskaas wajigiisa koowaad dhawaan Bilaabmi doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM