Mas'uulkii saddexaad oo xisbigga Waddani ka tirsan oo la xiray

Image

HARGEYSA, Somaliland – Ciidamadda ammaanka Somaliland ayaa Isniinta maanta ah waxay xabsi u taxaabeen mas'uulkii saddexaad oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Saleebaan Saciid, gudoomiyaha xisbigaas ee gobolka Saaxil ayaa laga qabtay magaaladda Berbera, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen xubno ku dhow ehelkiisa iyo xafiiskiisa.

Qabashadiisa ayaa waxay ka dambeysay markii kulan warbaahineed uu qabtay isla markaana iclaamiyey mudaaharaad balaaran oo ka qabsoomaya magaaladdaas dekadda leh.

Taliska Booliska guud ee Somaliland iyo midka magaaladda oo mareega GO xiriir la sameeyay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlaan dhacdadaan.

Booliska caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa Axadii xabsi u taxaabay afhayeenka iyo xoghayaha guud ee Waddani kuwaas oo loo wareejiyay jeel lagu magacaabo Mandheera.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warbaahinta in jirdil loo geystay xubnahaan markii laga qabanayey xarunta xisbiga oo bileyska uu si rasmi ah ula wareegay hakiyeyna shaqadii ka socotay.

Ciidamada amniga iyo taageereyaasha xisbiga oo Isniinta maanta ah loo balamiyey bananaabax ayaa isku dhacay. Inta la xaqiijiyey hal askari ayaa ku dhaawacmay shaqadaadda.

Tafaftiraha telefishinka maxaliga ah ee Horn Cable iyo xarunta warbaahineed ayaa la xiray, waxaana lagana noqday ruqsadii, sidda ay ku warantay saxaafada oo illo wareedyo soo xiganeysa.

Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa cambaareysay talaabooyinka mucaaradka iyo warbaahinta, waxayna ku baaqday in xorriyadooda "si degdeg ah loogu soo celiyo".

Cabdiraxmaan Cirro, hogaamiyaha xisbiga Waddani, oo cambaareeyay xarigga mas'uuliyiinta ayaa ku sifeeyay sharci darro. "Muuse kaliye taliye doonimeyno," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Mucaaradka iyo xukuumadda talada haysa ayaa isku maandhaafsan doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka, kuwaas oo muddo shan jeer ah dib u dhigis lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM