Maxay Kawada Hadleen Muuse Biixi iyo Wafdi ka socdey dalka Imaaraadka?

Image

HARGEYSA- Kadib markii wareysi uu dhiibey Wasiiru dowlaha arimaha dibada Dowlada Imaradaka kaas oo sababey in mucaaradka Somaliland ka dalbadaan Madaxweyne Muuse Biixi inuu is-casilo ayaa wafti ka socda wadanka Isu-taga Imaraadka waxaa uu booqasho ku tagey magalaada Hargeysa, waxaana warsaxafadeed kaasoo saarey Madaxtooyada mamaulkaas.

Warsaxafadedka laguma sheegin in waftigaan ka socdey dowlada Imaraadka heerkooda siyaasadeed. Waxaana uu u  qoraa sidatan.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan La Yeeshay Wefti Ballaadhan oo Dalka Imaaraadka Ka Socda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo ka kooban 12 xubnood.

Kulankan dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo weftiga, waxa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:-

1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.

2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.

3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.

4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ku bogaadiyey weftiga imaantinkooda, isagoo uga mahadnaqay sida fiican ee wax ku oolka ah ee ay uga soo jawaabeen qaybihii ugu horreeyey ee ballan-qaadyada waqtigii madaxweynuhu safarka ku tegay dalka UAE, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay fursadda ay siiyeen ogolaanshaha Baasaboorka Somaliland ee dal-ku-galka imaaraadka carabta, wuxuuna soo dhaweeyey fulinta qodobaddan muhiimka u ah qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu weftiga u ballan-qaaday in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, isla markaana uu xidhiidhkaasi noqdo mid midho dhal ah.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM