Maxay tahay sababta madaxweynaha DDS Itoobiya u yimid Somaliland? [Daawo]

Image

WAJAALE - Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa booqasho ku gaarey maamulka Somaliland halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen madax ka tirsan xukuumada Muuse Biixi.

Booqashada Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar) oo socdaal dhinaca dhulka ah ku tagey Wajaale ayaa waxaa loo soo galbiyey magaalada Hargeysa halkaas oo kulamo la qaadanayo madaxda Somaliland.

Safarka madaxweynaha dowlada degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wararka ku xeeran waxay sheegayaan inuu la xiriiro ka qayb galka munaasabada dhagax dhiga wadada isku xiri doonta magaalada Dekada leh ee Berbera iyo WAJAALE oo ku taal xadka maamulkaas la wadaago Itoobiya.

Dhismaha Wadada isku xiri doonta Bebera iyo WAJAALE ayaa qayb ka ah heshiiska shirkada DP world ee dekada ku taal Badda Cas.

Booqashada Mustafe Cagjar ayaa ku soo beegmeysa maalmo kadib markii markii madaxweynaha Somaliland booqasho ku tagey dalka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

 Halkaan ka Daawo 

 GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM