​Maxkamadda Sare Somaliland oo xukun ka gaartay khilaafka UCID

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta xukun kama danbeys ah ka gaartay khilaaf muddo soo jiitamay oo u dhaxeeyay labo garab oo ka kala tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID.

Doodda khilaafka labada dhinac oo muddo soo jiitamaysay ayaa hortaallay maxkamadda sare, waxayna maanta shaacisay tallaabadii ay ka qaadatay.

Maxkamadda ayaa xukuntay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn lixdan maalmood gudahood si loo horgeeyo heshiis ay mar hore labada dhinac wada galeen, iyadoo egrada shirweynahaasi loo raacaayo xeerka xisbiga qodabkiisa 12aad.

Waxay kaloo maxkamadu xukuntay in guddi qabanqaabo oo toban xubnood ka kooban ay hawlgeliyaan labada garab, si is la'egna ay u soo magacaabaan , waxaana marjac u noqonaya gudigaasi hogaanka sare ee xisbiga UCID, wuxuuna yeelanayaa hogaanka sare awoodda go'aannada kama danbeysta ah.

Madasha go'aanka lagu gaarayay, ayaa waxaa joogay mas'uuliyiinta is khilaafsan, waxayna mar ay ka hadlayeen sheegeen inay soo akhrin doonaan go'aamada soo baxay in kastoo si guud u muujiyeen  qanacsanaan.

Marxalado kala duwan ayuu soo martay dooddan iyadoo marar kala duwan racfaan ka qaateen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM