WARBIXIN: MD. Cusub ee Somaliland iyo Guddoomiyaha Wadani oo kulmay

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxman Cirro ayaa kulan kooban ku yeeshey 23 Nov, 2017 xabaalaha Naasa-hablood halkaasoo ay kaga qayb galayeen aas qaran oo loo sameynayey Marxuum Axmad-yaasiin Gabay-xaddi.

Kulanka labada mas'uul oo ahaa midkii ugu horeeyey ay yeesheen tan iyo intii lagu dhawaaqey natiijadii doorashada ka dhacdey Somaliland 13 Nov,2017 ayaa waxaa ku weheliyey saraakiil ka tirsan labada xisbi ee KULMIYE iyo WADANI kasoo ahaa hadal kooban iyo is-gacan qaad dhexmarey labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland iyo Guddomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa muujiyey inay diyaar u yihiin wada-shaqeyn iyo kawada qaybqaadashada howlaha dhismaha iyo hurumarinta Somaliland.

Muuse Biixi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xisbigiisa KULMIYE, wasiiro iyo dadweyne farabadan oo ka qaybgalayey aaska, ayaa si kal iyo laab ah u qaabiley dhammaan xubnihii ka tirsanaa xisbiga WADANI oo uu hogaaminayey Guddoomiye Cabdiraxman Cirro oo u sheegey in loo baahan yahay in la abuuro jawi wada-shaqeyneed ee labada dhinac dhexmara, si loo xoojiyo midnimada shacabka Somaliland.

Dhinaca kale, magaalo madaxda Somaliland ayaa waxaa ka bilowdey loolankii siyaasiyiintii hore ee xisbiga KULMIYE iyo kuwa qaybta ka ahaa gushii Muuse Biixi ku gaarey madaxtinimada maamulkaan, waxaana socda kulamo joogta ah uu madaxweynaha cusub la leeyahay qaybahan kala duwan. 

Warsidaha Garowe Online oo kuur-galey xubnaha laga yaabo iney qayb ka noqdaan golaha xukuumada cuusb ee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ogaadey: Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Axmed Ismaaciil Samatar, Axmed Muumin Seed, Maxamed Iid Dhimbiil, Maxamed Calin Tiimbaro, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Xusen Cali Ducaale (Cawil) iyo xubno kale laga yaabo iney kasoo muuqadaan xukuumada cusub.

Madaxweyne Biixi oo la wareegaya xilka 14 Dec, 2017 ayaa haysta muddo Bil ah in uu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada kuwasoo ka imaanaya Kulmiyihii hore iyo midka cusub ee qaybta ka ahaa loolankiisa siyasadeed ee doorashadii dhacdey 13 Nov, 2017. 

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM