EU-da oo wada qorshe ku wajahan wadahadalka DF iyo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa wuxuu damacsan yahay qorshe uu isugu dayayo in uu dib ugu bilaabo wadahadalada hakadka ku jirta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Nicolas Berlanga, ergayga EU-da u qaabilsan Soomaaliya, ayaa wuxuu daaha ka rogay qorshahaas kadib kulan dhanka isgaarsiinta ah oo todobaadkan uu la yeeshay hogaanka maamulka, Muuse Biixi Cabdi.

Intii uu socday shirkaas, danjire Berlanga ayaa balanqaadey "in ay fududeyn doonan siddii dib loogu bilaabi lahaa wadaxaajoodka".

Diblumaasigan dhashay Spain ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay iskaashi dhexmara dhinacyadda iyo heshiis ay ka gaaraan dhibaatooyinka jira "si ay u gutaan waajibaadka muwaadiniinta ka saaran".

Kulankaan oo dhacay Talaadadii laguna xusayey Maalinta Yurub ee 2020 ayuu xoojiyey muhiimadda xiriirka labadda dhinac oo xoogeysta.

Wadaxaajoodyadda oo aan qabsoomin shantii sano ee lasoo dhaafay waxaa caqabadaha hortaagan kamid ah; is-qabqabsi ka taagan meesha lagu kulmayo iyo dowladaha doonaya in ay martigeliyaan shirka.

Bishii Febraayo, dhinacyada ayaa isku soo dhowaada xoogaa kadib kulan Addis Ababa ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Biixi. Balse, waxaa laga hor-yimid dalab uu Farmaajo ku booqan lahaa Hargeysa.

Somaliland ayaa sheegata madax-banaani tan iyo 1991-dii ayaanan wali helin aqoonsi caalami ah. Caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul xubin ka ah ama hoostaga xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM