Mucaaradka Somaliland oo wada abaabulka shir ka dhan ah Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland, ayaa wada abaabulka shir-wayne ka dhan ah maamulka Muuse Biixi, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ku guuldareystay qabashada doorashooyinka Gollayaasha sharci-dejinta iyo degaanka.

WADANI iyo UCID ayaa sidoo kale ku dhaliilay Madawaynaha Somaliland inuu go’aan qaadasho ka sameyn waayey talo soo jeedin ku aadan inuu kala diro Guddiga doorashada oo ay kalsoonida kala nqodeen.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa carabka ku dhuftay in shirka ay qaban doonan, isaga oo carabka ku dhuftay inay go’aan ka qaadan doonan masiirka Muuse Biixi Cabdi.

“Qabashada doorashooyinku waxay xil ka saaran tahay Madaxwaynaha. Madaxwaynuhu dalka kuma uusan qaban in-qilaab, doorasho ayuu ku qabsaday. Marka hadii uu gudan waayo waajibkii dhinaca qabashada doorashada, waxaa noo qorsheysan in lag tashado, oo talo qaran laga yeesho,” ayuu yiri Cirro oo la hadlay idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.

Tan iyo markii Muuse Biixi loo doortay Madaxwaynaha Somaliland 21-ka bishii November ee sanadkii hore 2017 inkasta oo mucaaradka Waddani uu guusha Biixi su’aal geliyay, hadana saacado kadib wuu aqbalay, wallow taasi ay dhalisay inuu shacabka kala qaybsamo.

Cabdiraxmaan Cirro oo la waydiiyay inuu fahfaahiyo waxa uu ula jeedo in Madaxwayne Biixi laga yeelanayo talo qaran ayaa daboolka ka qaaday in xisbiyadda mucaaradka labadooda ama midkood uu xaq uleeyahay inuu soo jeediyo, taasi oo haatan haatan.

Gudoomiyaha ayaa, geesta kale, wuxuu xisbigiis dhinac uga leexiyay eedayn ku aadan inay su’aal gelinayaa xalaalnimada doorashada Muuse Biixi, isaga oo ku nuux-nuux saday kaliya sababta ay Guddiga u diidan yihiin ay tahay kalsooni aanan ku qabin garsoorkooda.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Cirro ayaa xaqiijiyay inay qabsoomeyso doorashada Gudoonka Xisbiga, taasi oo uusan meesha ka saarin in natiijada kasoo baxda ay isbedal ku sameyn karto xilalka kala duwan, inkasta oo uu diiday inuu cadeeyo hadii uu Murashax yahay.

Somaliland ayaa haatan waxay dhexda uga jirtaa qalalaase dhinaca doorashooyinka, taasi oo laga cabsi inay isku bedasho mid siyaasadeed oo wadada u xaari karta kala qaybsanaanta la sheegay inay haatan jirto ay gaarto heer ay xargaha goosato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM