Musharax Cirro oo Muuse Biixi ku weeraray Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Somaliland - Musharax Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta khudbad ka jeediyay isku soo bax ballaaran, oo taageeriyaashiisa maanta ka dhigeen magaalada Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.

Cirro ayaa fagaaraha ka cambaareeyay hadal shalay Laascaanood ka sheegay musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbi qabyaalad ku dhisan, oo qaran-dumis ah.

"Kulmiyaha cusub, hadda Kulmiyahii Siilaanyo ma ahan, waa Kulmiyaha Muuse Biixi wuxuu rumaysan yahay in reer Sool ay marti ku yihiin Somaliland," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Wuxuu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin WADDANI iyo Kulmiye, isagoo hoosta ka xariiqay in xisbigiisa hadafkiisa uu yahay in la dhiso Somaliland oo muwaadiniintiisu siman yihiin.

"Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in Somaliland la kala leeyahay, oo kuraastana la kala leeyahay, laakiin WADDANI wuxuu leeyahay Kuraasta la kalama lahan, waayo kii aniga ku fadhiyay ee ahaa Gudoomiyaha Gollaha aqalka wakiilada nin reer Sool baa ku fadhiya hadda," ayuu yiri Cirro.

Hadalka Cirro ayaa intaasi badan u muuqday mid is-difaacid ah, oo dhinaca kalena ku weeraray Xisbiga Kulmiye, oo isagu ah midka uu kala kulmaya loolanka ugu adag ee tartanka doorashada Madaxtinimada Somaliland.

"Waxaan doonaynaa inaan dastuurka furno, oo la dhiso Somaliland cusub, oo ka tarjunta danaha shacabka, waxaana mudnaanta siin doonaa adeegyada bulshada, sida biyaha, wadooyinka iyo Isbitaalada," ayuu yiri mar kale Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Wuxuu u balan-qaadey in Xisbigiisa uu dhisi doono wadooyinka gobolkaasi ku xira gobollada kale ee Somaliland, iyadoo doorashadana ka codsaday shacabka gobolkaasi inay codkooda isaga siiyaan.

Doorashadan Somaliland oo ah tii 6-aad ayaa waxaa la qorsheeyay 13-ka bishan November, iyadoo ay ku tartamayaan saddexda Xisbi ee Kulmiye, oo ah kan talada hada haya, UCID, oo Feysal Cali Waraabe u sida calanka iyo WADDANI oo Cabdiraxmaan Cirro u sharaxan.

Si kastaba, doorashada ayaa waxaa la sheegay in xisbiyada si aad ah ugu dhaqmeen qabyaaladda, iyadoo Odayaasha dhaqanka, Culimada, Gudiga Doorashada iyo waxgaradka ka digeen arintaasi oo wax u dhimi karta sida ay sheegeen amniga iyo xasiloonida Somaliland.Halkaan Ka Daawo Khudbada Ciro

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM