Somaliland oo baaq kasoo saartey dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay dagaal beeleed saaka ka dhacay degaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag.

Biixi ayaa "wax laga xumaado" ku tilmaamay in ay beeluhu diriraan iyaddoo olole xoogan loogu jiro ka hortagga Coronavirus.

Dhinacyadda diriray ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan xabadda isla markaana ay u hogaan-samaan baaq nabadeed oo uu diray.

Odayaasha dhaqanka ayuu ku tartarsiiyey in ay qaataan nabadda isla markaana ay ka shaqeeyaan siddii loo dhaqan-gelin lahaa.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday isku dhacaas, waxaana ku dhaawacantay saddex kale, sidda ay sheegeen dadka degaanka oo khadka telefoonka kula hadlay Garowe Online.

Ma cadda xudunta dagaalka, balse warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya. Qaar ayaa ku sheegaya aano qabiil gaar ahaan nin horey halkaas loogu dilay, qaar kale waxay ku sheegeen dul-qaasimeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso in ay halkaas u dirto wafdi si looga hortago isku dhac kale oo mustaqbalka dhexmara beelaha walaalaha misana ood wadaagta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM