Muuse Biixi oo loogu baaqay in uu cafis waydiisto shacabka Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo shaaca ka qaadey in ay bulshadda "baafineyso Muuse Biixi Cabdi" ayaa ku booriyey hogaamiyaha maamulka Somaliland in dadweynaha hor-yimaado.

Afhayeenka xisbigaas, Barkhad Jaamac Batuun, oo wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa, ayaa daboolka ka qaadey in Muuse Biixi Cabdi looga baahan yahay in uu caddeeyo arrimaha soo kordhay.

Arrimaha uu ka dhawaajiyay ayaa ku saabsan kulankii uu la yeeshay madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo safarka la sheegay in uu ku tagayo Hargeysa.

"Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda," ayuu yiri.

"Cafis dalbo"

Isagoo dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay ku qeexay "falal ka dhan ah" jiritaanka iyo dastuurka Somaliland, Barkhad ayaa Biixi ku waaniyey in uu si furan cafis u waydiisto shacabka.

Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Biixi uu Talaadada soo aadan la hadli doono labada aqal ee baarlamaanka maamulkaas gooni u goosadka ah.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, Barkhad ayaa xubnaha xeer-dejinta ku booriyey "in aysan u sacaba tumin Biixi balse ay kala hortagaan dareen adag iyo su'aal ku tacaluqa jiritaanka Somaliland".

Ugu dambeyntii, xisbiga Waddani iyo gudoomiye Cirro oo Biixi kula kulmay Addis Ababa ayuu ka fogeeyay in uu la socday qorshaha is-aragga labadda madaxweyne oo ka dhacay xafiiska Abiy Axmed.

"Waxay ahayd wax ku kooban qofaf, wax qofaf go'aansadeen qaran looguma talin karo," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa afhayeenka oo sanadkii hore ay mar xirtay xukuumada Biixi.

Siyaasadda Somaliland ayaa ah mid kacsan wixii ka dambeeyay kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi, waxaana arrintaas ay cadaadiska ku kordhisay xisbiga talada haya ee Kulmiye, oo xubnihiisa ay ku kala qeybsameen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM