Biixi: Dowladda Farmaajo waxay u soo tababaraneysaa Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Sabtida maanta ah shaaca ka qaadey in dowladda Farmaajo "ay duulaan ku tahay Somaliland" xili ku goodiyey "in ay iska daaficayaan".

Biixi oo ka qeybgalay munaasabad ka qabsoontay magaaladda Hargeysa ayaa si adag wuxuu u dhaliilay siyaasadda adag ee Villa Soomaaliya kula macaamileyso maamuladda iyo mucaaraadka.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii. Balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda federaalka ee Muqdisho.

Sababtaan awadeed, maamulka Hargeysa ayaa deeqaha uu caalamka ka helo qaarkood waxaa loo mariyaa xukuumadda federaalka oo sanadihii u dambeeyay xayiraad kusoo rogtay arrintaas.

Mareykanka ayaa dhowaan dowladda federaalka ah wuxuu ugu deeqay 140 milyan oo Doollar, taas oo ka badan dowladdaha kale. Waxaa wehlisa taageero bille ah oo Turkiga ka timaada.

Madaxweyne Biixi ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo in dhaqaalaha ay dunida ka hesho u adeegsato burburinta maamuladda gaar ahaan kuwa aragti ahaan kasoo horjeeda xukuumadda.

"Kismaayo dagaal baa ka socda, Xamar dagaal baa ka socda, oo dowladda Farmaajo labadii madaxweyne ee ku xigay maalin walba wey xidhaa, waad arkeysaa halka laysla marayo".

Wuxuu raaciyey: "Dhuusamareeb dagaal baa ka socda, Puntland baa u dambeysay waa taa maanta la qarxiyey, dowladda Farmaajo oo waxaas taageero la siiyey ayaa fidnadaa wadda".

Mr Biixi ayaa dhaqdhaqaaqyaddan ay dowladda Farmaajo ka waddo degaanadaas kala duwan wuxuu ku sifeeyay "in ay u tababaraneyso sidii ay ugu soo duuli lahayd Somaliland".

"Waxaas waa tababar, kuwaa way kusoo tababaraneysaa, way kusoo diyaar-garoobeysaa, Somaliland bey u soo diyaar tahay colaadeeda wayna kusoo maqan tahay," ayuu tibaaxay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku goodiyey in ay is-difaaci doonan ayaa yiri: "Somaliland way kusoo gaamurtay in ay cadowgeeda iska dhiciso, waan aragnaa waxaad soo wado Farmaajow".

MUUQAALKA MUUSE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM