Muuse Biixi oo eedayn culus u jeediyay dowlada Farmaajo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay dowlada Farmaajo in ay "mar kasta" isku daydo in maamulkiisa ay ka hor istaagto taageero iyo maal-gashi ay ka hesho caalamka.

Eedayntaan oo uu Muuse Biixi dhowr jeer u jeediyay xukuumada Muqdisho ayaa nan wali jirin wax jawaab ah oo ay ka bixisay dowlada dhexe oo horey u soctay in kaalamada laga joojiyay Somaliland.

"Horumar ka dhaca Somaliland waxa uu faa'iido u yahay guud ahaan Shanta Soomaaliyeed oo halkaan isugu imaan doona," ayuu Muuse ka yiri xarig jarka wiishash cusub oo lagu rakibay marsada Berbera.

Shirkada DP World ee laga leeyahay Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa fulineysa mashruucaasi oo qayb ka ah heshiis ay kala saxiixdeen Hargeysa iyo shirkadaasi oo ku aadan balaarinta iyo casriyeenta dekada.

"Imaaraadka waxaan uga mahad-celinaynaa sida ay ugu soo dhiiradeen oo ay lacagtaan ugu maalgashanayaan Somaliland," ayuu hadalkiisa ku daray Muuse, oo si wayn ugu mahad-celiyay Abu Dhabi.

Hogaamiyaha maamulka gooni isu taaga ah ayaa geesta kale waxa uu dhaliilay hab-dhaqanka ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho oo baryihii dambe dagaalo dhexdoodu uu dhex-marayay.

Arrinta ciidamada ayuu soo qaaday Muuse Biixi mar uu ka hadlayay xoogaga Somaliland ee Berbera kuwaasi oo dhexdooda diri jiray kahor inta aan la isku keynin oo aan la qarameyn.

Ugu dambeyntii, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka codsaday siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliland iyo in ay kalsooni siiyaan maamulkiisa oo wajahaya culeyso siyaasadeed markii tuhuno ay soo baxeen.

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xili la filayo in ay dib u bilowdaan wadahadalada Somaliland iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya, kuwaasi oo kaliya la isku hayo wadanka martigelinaya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM