Muuse Biixi oo hor-dhigay wafdiga EU-da mowqifkiisa wadahadalka DF

Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Wafdi balaaran oo ka socda Midowga Yurub oo kasoo kicitamay magaalada Nairobi ayaa Talaadada maanta ah socdaal ku tagay magaaladda Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Soo dhawayn kadib, Aqalka Madaxtooyada ayay shir gaar ah kula yeesheen magadaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo xubno xukuumadiisa ka tirsan.

Safiiro iyo wakiilo kala socday wadamada; Ingiriiska, Sweden, Norway, Switzerland iyo Finland ayay isugu jireen wafdiga.

Wasiirka arrimaha dibada maamulka Hargeysa ayaa sheegay in dhinacyada ay kawada hadleen; xaalada gobolka, amniga, abaaraha iyo bini’aadanimada.

"Dhamaan qodobadii ay kawada hadleen waxaa la isla meel-dhigay," ayuu Mr Yaasiin Maxamuud Faratoon u sheegay warbaahinta.

Balse illo lagu kalsoonan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qodobada la isla soo qaaday ay kamid ahayd wadahadalka dowlada federaalka iyo Somaliland.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in Muuse Biixi uu u sheegay wafdiga in uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo xukuumada Muqdisho.

Wadaxajoodka dowlada dhexe iyo maamulka Somaliland oo heshiis laga gaarey in uu qabsoomo ayaa dooda kaliya ee taagan waxay tahay goobta lagu qabanayo.

Turkiga, Sweden iyo Switzerland ayaa la sheegay in ay ku loolamayaan martigelinta xili Jabuuti oo uu damac uga jiray u muuqato in ay ka hartay tartanka.

Safiirka Denmark, Mette Knudsen, oo kulanka qayb ka ahayd ayaa xaqiijisay in Muuse Biixi uu qabiciyay mowqifkiisa qalafsanaa ee la kulanka madaxda dowlada Soomaaliya.

"Waxaan ku faraxsanahay ka go'naanshiyahiisa wadahadalka dowlada federalaka Soomaaliya," ayay raacisay hadalkeeda.

Knudsen oo sii hadlaysa ayaa shaacisay in sidoo kale ay hogaamiyaha Somaliland isla soo qaadeen arrimaha doorashooyinka.

Danjiraha ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in doorashooyinka Gollayaasha Degaanka iyo Sharcidejinta ay ku dhacaan waqtigooda.

"Arrimaha uu caalamka ku tix-geliyo Somaliland waxaa kamid ah doorashooyinka iyo dimoqraadiyada waxaana filaynaa in ay sii socdaan," ayay raacisay.

Hadalka Knudsen ayaa ka dhigan in ay bixisay xog dheeraad ah oo ku saabsan kulanka ay la yeesheen Biixi, taasoo ay qarisay madaxtooyada Somaliland.

Midowga Yurub ayaa kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee saameynta ku leh go’aanada siyaasadeed ee Somaliland - mustacmaradii hore ee Ingiriiska - maadaama ay siiyaan taageero maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM