Muuse Biixi oo ka hadlay Deeqaha laga joojinayo Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo wax laga xishooda ku tilmaamay dalabka dowladda Federaalka iyo maamulladda ee ah in deeqaha dhaqaale laga jaro maamulkiisa gooni ugoosadka ah.

Biixi ayaa sheegay in inkasta deeq aysan ahayn wax lagu faano haddana talaabadda ay qaadeen Hogaamiyaasha Soomaalida u caddeynayso shacabka Somaliland wax uu ku sheegay "Cadaawad Koonfurta" u hayso shacabkiisa.

"Iyadoo marka horeba aanay sadaqo wax lagu faano ahayn oo ay ceeb iyo yax-yax tahay inaynu baryo ku hadalnaa, ayaa haddana tii [Deeqdii] oo ahayd wax in la yiraahdo yaan la siinin Somaliland waa wax laga xishooda," ayuu yiri Muuse Biixi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si diiran usoo dhaweeyay go'aanka ay qaadeen Kooxaha maamula deeqda lasiiyo Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasoo ka biyo diiday codsiga Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

"Qolada wax bixinaysaana waxay yidhaahdeen ma sidoodii aanu ku wadno, saakana Afartii gobol qoraal bay wada saxiixeen oo ay ku leeyihiin Somaliland yaan waxba la siinin, waana ayaan darro arintaasi," ayuu xusay Madaxweyne Biixi.

Muuse ayaa talaabadaan ku tilmaamay "dagaal cad" oo lagu soo qaaday Somaliland, isagoona Shacabka iyo Siyaasiyiinta maamulkiisa ugu baaqay inay isku gaashaantaan sidii ay "wadajir" uga hortagi lahaayeen mowjadaha kusoo wajahan.

"Waxaas oo dagaal ahna waxa aynu kaga baxaynaa innaga oo Ilaahay maskaxda uu ina siiyey iyo awooddeena ka faa’iidaysannaa, oo aan midowno, Shacab iyo Siyaasiyiin," ayuu raaciyay hadalkiisa Muuse Biixi.

Hadalka Muuse Biixi wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dowladda Federaalka iyo maamullada ay isku raaceen dalab ay ku codsanayaan in aan la cusbooneysiin heshiiskii deeqaha dhaqaale lagu siinayay Somaliland tan iyo intii u dhaxeysay 2013 iyo 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM