Muuse Biixi oo ka hadlay warar sheegaya in Somaliland la midoobeyso Somalia

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeedinayey munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa meesha ka saarey inay la midoobayaan Soomaaliya inteeda kale xili maalmihii udambeeyay ay sii kordhaysay dooda arrinkaas la xiriirta.

Hogaamiyaha maamulkaan gooni isku taaga ah ayaa afka ku balaariyay inaanu qorshaha ugu jirin inay arrintaan dhacdo, isaga oo ku nuux-nuux saday inay xalka kaliya u arkaa inay noqdaan "labo dal oo walaalo ah".

Biixi oo soo hadal-qaadey mashruuca balaarinta dekada Berbera oo ay maal-gelineyso shirkada Imaaraadka laga leeyahay ee DP World ayaa tibaaxay in xukuumada Muqdisho aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Faragelin oo qeexay inay ku hayso arrimaha gudaha ee maamulkiisa ayuu uga digay dowladda Federaalka Soomaaliya, xili mar sii horeysay uu Baarlamaanka Soomaaliya shaaciyey inuu dalka ka maamnuucay shirkadani.

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa balanqaaday inaanu udhutin doonin horumar uu sheegay in dekada Berbera sameynayso tani, isaga oo wacad ku maray inay Somaliland diyaar u tahay inay caalamka wax la qaybsato.

“Waxa aan leeyahay Berberi way koraysaa, Somaliland-na hore ayey u soconeysaa, aduunkana wax bay la qaybsanaysaa, idinkana [Soomaaliya] waa idiin diyaar, cadaawad iyo nacna uma haynno Soomaaliya, dadna waannu isu xignaa, waxaana aannu usoo jeedinaynaa nabad iyo wax wada-qabsi iyo inaynnu noqonno laba dal ah oo walaalo ah.” ayuu yiri Muuse.

Mashruuca balaarinta dekada Berbera oo daba socda heshiis saddex geesood ah oo ay kala saxiixdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya, kaasi oo ay ku baxayso lacag badan ayaa la filayaa inuu dhowaan bilowdo, xili laga soo jediyay Hargeysa qalabkii dhismaha.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayuu qorshuhu yahay in lagu hir-geliyo 400M [Afar boqol oo mitir], xili ay dhismaha ka shaqayn doonto shirkadda Shafa Al Nahda, taasi oo qandaraaska la siiyey, islamarkaana qalinka ku jiiday munaasabadii dhowaan caasimada Somaliland ka qabsoontey.

Hadalka Biixi ee la midoobida Soomaaliya ayaa khilaafsan dhawaaq dhowaan kasoo yeeray Ergayga Somaliland ee wadahadalada dowlada Federaalka oo sheegtay in hadii Muqdisho ay ka dhalato dowlad wax lala qabsan karo ay la midoobi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM