Muuse Biixi oo ka jawaabay hadal kasoo yeeray Cirro [Daawo]

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi, Cabdi, ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, kaasoo magaalada Boorama ka sheegay inuu guulaystay, balse uu natiijadii doorashada amaahiyay KULMIYE.

MBC, oo hadalkaas kaga jawaabayay xaflad uu maanta kaga qayb galay caasimadda Hargaysa, wuxuu sheegay in qaamuuska siyaasadda aysan meelna kaga qornayn in natiijo doorasho labo xisbi is amaahiyaan.

"Cirro hadalkiisii Boorama wuxuu ka bilaabay, 'Walaalayaal doorashadii weynu helnay, laakiin KULMIYE ayeynu amaahinay', aniguse waxaan leeyahay haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube halla iisoo sheego," sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku faanay in doorashadaas ay guulaysteen waliba muddo WADDANI u xannibnaayeen kadib markii uu codsaday in loo hubiyo goobaha qaarkood.

"Haddii aanu KULMIYE nahayna ma qabno inaad doorasho na ammaahisay, waxaanuse qabnaa inaynu tartannay, si caddaalad ahna tiradii la inoogu hubiyey oo aad tidhi meelaha qaarkood halla ii baadho oo laguu baadhay oo ay idiin xannibnayd oo aanaan ka hadal oo aynu siddeetan kun oo (80,000) ku kala badinay." ayuu yiri Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli labada Xisbi uusan xiriirkoodu wanaagsanayn, doorashada kadib iyo ka horba. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM