Muuse Biixi oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii Booliska Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Cabdullaahi Fadal Iimaan, sida ay shaacisay Madaxtooyadda.

Taliyihii Booliska Somaliland oo ku geeriyooday Dhakhtarka Guud ee magaaladda caasimada ah ee Hargeysa ayaa la il-darnaa mudooyinkii dambe xanuun oo daaweyn ugu aadey waddanka Turkiga.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey, hadh iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana gaadhay derejada sareeye gaas.

Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo uu muddo dheer soo ahaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


Waa kuma Cabdullaahi Fadal Iimaan?

Cabdullaahi ayaa horey u soo noqday taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo hogaanka Hawlgelinta ciidanka Booliska oo uu hayey muddo ku dhow labaatan sanno.

Sannadkii 2012-kii, madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u magacaabay xilka taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, xilkaas oo uu ilaa hadda hayey.

Maxamed Saqadhi Dubad ayuu bedelay kaasoo isana geeriyooday. Fadal ayaa aad ugu dhowaa madaxdii kala duwaa ee soo maray maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Sidda ay sheegeen dad isaga ku dhow oo u waramay Garowe Online, marxuumka ayaa ifka kaga tegay laba xaas iyo 13-caruur ah, kuwaas oo isugu jira wiilal iyo gabdhow.

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM