Muuse Biixi oo ku wajahan Ceel Afwayn iyo Tukaraq [Ujeedka]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa uu kusii jeedaa gobolada Barri ee maamulkaas kuwaasoo kala ah, Sool iyo Sanaag, sida ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online, illo xog ogaal ah.

Muuse Biixi ayaa wuxuu ugu horeyn tegi doonaa deegaanka Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag, halkaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneed xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo katirsan kuwa degan deegaanka.

Safarka uu Madaxweyne Muuse Biixi ku tegayo halkaas wuxuu kusoo beegmayaa maalin uun kadib markii Askar ka tirsan Somaliland lagu dilay halkaas, islamarkaana lagu dhaawacay Shan kale iyo labo rayid yihiin.

Ujeedka sodcaalka Muuse Biixi ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu usoo afjari lahaa colaadda muddo soo jirtay halkaas ka taagan, taasoo dad badan ku dhinteen, ayna ku barakaceen Kumanaan kale.

Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa la sheegay in sodcaalka Ceel Afwayn kadib uu usoo ruqaan-san doono dhanka Tuuladda Tukaraq, gaara ahaan Jiida hore ee dagaalka si uu niyada ugu soo dhiso ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa Puntland.

U guurgelidda xaaladooda iyo dhiirogelin ayaa lagu sheegay ujeedka uu u tagayo tuulada Tukaraq, halkaasoo ay isku haystaan gacan ku haynteeda Somaliland, iyo Puntland.

Bishii Janaayo ee sanadkaan ayay ciidamadda Somaliland dagaal ku qabsadeen Tukaraq, waxaana wixii intaas ka dambeeyay ka dhacay dagaalo, kuwaasoo ay ku dhinteen Askar badan, dadna ku barakaceen.

Qaramadda Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 100,000 ay saameysay colaadda Tukaraq, iyadoo ugu baaqay dhinacyadda isku haya inay ka baaqsadaan colaad kale oo dhiig ku daato.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Muuse Biixi uu sodcaal ku kala bixiyo deegaano ka tirsan goboladda Sool iyo Sanaag, oo Somaliland Berri uga yaala, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Hay'adda Xasaradaha Adduunnka [ICG] ayaa dhawaan warbixin ay soo saartey ku sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay qarka u saaran yihiin inuu dagaal aan dhamaad lahayn ku dhexmaro gobollada waqooyi.

GARAOWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM