Muxuu ahaa ujeedka socdaalka wafdiga Eritrea ee Somaliland?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi ka socday Eritrea ayaa maanta Isniin ah booqasho saacado ah ku tegay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Eritrea, Cismaan Saalax iyo lataliyaha madaxtooyada dalkaasi, Yemane Gebreab ayaa la kulmay soo dhaweyn diiran.

Soo dhaweynta kadib, wafdiga ayaa loo galbiyay dhinaca madaxtooyada, halkaasoo wadahadalo ay kula yeesheen xubno uu ku jiro Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka kadib, waxaa si wadajir ah saxaafada ula hadlay wasiirada arrimaha dibada maamulka gooni isu taaga ah iyo dowladda Eritrea.

Yaasiin Maxamuud Faratoon, wasiirka xiriirka caalamka Somaliland ayaa sheegay in kulanka diirada lagu saarey nabada iyo is-dhexgalka gobolka.

"Iskaashiga dalalka gobolka gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ayaa oraahyo ku saabsan la is-dhaafsaday," ayuu Mr Faratoon raaciyay.

Dhanka kale, Cismaan Saalax, wasiirka iskaashiga caalamka Eritrea, ayaa xusay in dowladiisa isku dayeyso in ay soo ceshato doorkeeda gobolka.

"Waxaa nasoo diray madaxwaynaheena, si aan ugu yaraan u ogolaano waxa ka socda Somaliland," ayuu Cismaan u sheegay wariyaasha.

Eritrea ayaa siyaasada Geeska Afrika kaga maqneed 20-kii sano ee lasoo dhaafay loolan kala imaanayay xukuumadihii hore ee Itoobiya oo eedaymo kala duwan u jeediyay.

"Waxaan ku jirnay xaalad xun...oo ay noo wehlisay cunaqatayn," ayuu daba dhigay Cismaan, kaasi oo ku daray "Waxaan u halgameynaa sidii aan uga bixi lahayn xaaladahaasi."

Mid kamid ah eedaymaha ay Itoobiya soo abaabushay ee loo jeediyay Eritrea waxaa qayb ka ah in ay taageerto kooxda Al-Shabaab, inkasta oo ay beenisay.

Heshiis nabadeed oo ay kala saxiixdeen hogaamiyaasha labada dhamaadka 2018-kii ayaa bog cusub oo nabadeed u furay cilaaqaadka labada dowladood.

"[Maadaama] nabad ay ka dhex bilaabatay inaga iyo Itoobiya..waxaan is niri waa xiligii aan tegi lahaydeen Somaliland si aad u soo aragtaan xaalada," ayuu xusay.

Wasiir Cismaan oo soo hadalqaaday kulanka ay la yeesheen Muuse Biixi ayaa daboolka ka qaaday in kala soo wadaagay dhamaan maclumaadka ay u socdeen in ay ogaadaan.

"Waxa uu inoo sharaxay dhamaan...xaalada siyaasada, dhaqaalaha iyo bulshada ee dalka. Waxaana dib ula laaban doonaa madaxwayanheena," ayuu ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha dibada Eritrea ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in booqashadooda aysan noqon tii ugu dambeysay, inkasta oo uusan xusin waqtiga ay soo laaban doonan.

Socdaalka wafdiga Eritrea ku tageen Somaliland ayaa kusoo aadaya xili madaxwaynaha Jabuuti oo safar labo maalmood ku joogay Muqdisho uu soo afjaray Axadii.

Jabuuti iyo Eritrea oo ay ka dhaxeysay muran salka ku haysa dhul ku yaala sohdinta labada dal tan iyo 2008-dii ayaa bishii September 2018 ku heshiiyay in ay qaboojiyaan xiisada ayna cilaaqaadkooda ka qaadaan mad-madowga.

MUUQAALKA SHIRKA JARAA'ID EE WASIIRADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM