Muxuu salka ku hayaa safarka Keating ee Somaliland?

Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Wakiilka Hoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa 2 bishan safar ku tagay markii ugu horaysay magaalada Hargaysa caasumadda maamulka Somaliland, isagoo kulamo kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee bushada iyo xukuumadda.

Socdaalka Keating ee Hargaysa ayaa la xariiray arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen, Abaaraha, doorashada soo socota ee la filayo dhammaadka sannadkan inay ka dhacdo Somalia, Maalgashiga deegaanada maamulkaas, shaqo abuurka iyo doorka Qaramada Midoobay ay ku yeelan karto arrimahaas.

Michael, ayaa ka hor intaysan is arkin dowladda, wuxuu la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan gaar ahaan, wuxuu ka dhagaystay arragtidooda ku aadan qaabka wax looga qaban karo abaaraha.

Intaas kadib Wakiilka ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan qaar kamid ah golahiisa xukuumadda, waxayna wada qaateen shir muddo qaatay oo ay ku falanqeeyeen sida wax looga qaban karo dhibaatada abaareed ee ka jirta Somaliland.

Labada dhinac ayaa isku af-gartay in lagawada qayb qaato caawinta bulshada tabaalaysan, kor u qaadista maalgashiga iyo shaqo abuurka.

Doorashada soo socota ayay sidoo kale isla soo qaadeen, waxayna isku af-garteen in doorashadu noqoto mid ku qabsoonta qaab cadaalad ah.

Qoraal kooban oo Michael keating ku faafiyay bartiisa Twitterka ayuu sheegay inuu ku faraxsanyahay socdaalkiisa Hargaysa, wuxuuna xusay in dhammaan mas’uuliyiinta maamulkaas isku af-garteen qodobadii ay kawada hadleen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM