​Prof Axmed Ismaaciil oo ku biiraya xisbiga KULMIYE

Image

HARGAYSA- Waxa gebogebo ku dhaw xafiiltan iyo tartan adag oo saddexda xisbi ee ka jiraa Somaliland ugu jireen helitaanka aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan shaaciyey inuu siyaasadda Somaliland qayb ka noqon doono, kaas oo haatan booqasho ku jooga caasimadda Hargeysa.

Sida muuqata waxa tartankaas ku guulaystay xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxana si weyn loo dareemayaa in Prof. Samatar uu ku qancay ku biiritaanka xisbigaas, iyadoo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi laftiisuna si cad u sheegay inuu wax kasta ku bixin doono sidii uu Professor-ka u heli lahaa.

Axmed Ismaaciil Samatar oo ay galbinayaan kaadirka saree e xisbiga KULMIYE, ayaa muxaadiro(lecture) xarunta dhaqanka ee Hargeysa ugu jeediyey boqolaal dhallinyarada Jaamacadaha ah, inkasta oo aanu wali caddayn ku biiritaankiisa xisbiga KULMIYE, hadana waxa wada-socoshadaas iyo maqnaanshaha axsaabta kaleba caddaysay inuu Professor-ku la jaanqaaday siyaasadda Xisbiga KULMIYE.

Xisbiga WADDANI oo ah xisbiga ugu awoodda badan marka mucaaridka laga hadlayo, ayaa waxa uu laftiisu haadda ka hor isku dayayey innuu hantiyo aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar oo la tuhunsan yahay inuu saamayn siyaasadeed oo culus leeyahay, balse taasi waxa ay haatan u muuqataa mid dhinaca KULMIYE u janjeersatay.

Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah, balse muddo dheer aaminsanaa mabda’a Soomaali-weyn, ayaa sanado ka hor shaaciyey inuu aragtidaas beddelay, waxana uu booqashooyin kala dambeeyey ku yimi Somaliland, isagoo dhawaan shaaciyey inuu mid kamid ah saddexda Xisbi ee jira ku biiri doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM