Puntland: Askari ku dhintay Qarax ka dhacay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Weerar loo adeegsaday Bambaanooyin gacanta laga tuuray ayaa caawa fiidkii lagu qaaday guri ay leeyihiin ciidamada ilaalada waddooyinka [Taraafikada] Puntland ee gobolka Bari.

Mid kamid ah ciidamadii ku sugnaa xaruntaas oo aan ka fogayn dekedda Boosaaso ayaa geeriyooday, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhawaa goobta falkaas ka dhacay.

Labo Bambo oo ah nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray xarunta Taraafikada magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo kamid ah ciidamadaas, kuwaasoo la dhigay cusbitaalka Guud ee Boosaaso.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland, ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo sameeyay baaritaano aan la shaacin natiijadooda.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay weerarka lagu qaaday xarunta ciidamada Taraafikada magaalada Boosaaso.

Ururrada Daacish iyo Al Shabaab, ayaa inta badan weerarada caynkan ah ka gaysta gobolka Bari oo amnigiisu hagaagsanaa tan iyo booqashadii Madaxweyne Farmaajo kadib.

Taliska Taraafikada iyo dowladda Puntland, wax war ah kama soo saarin tallaabadaas.

Dhawaan ayay ahayd markii Miinooyin is-xigay oo dhulka lagu aasay lagu dilay labo kamid ah saraakiishii Miino Baarista Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM