Qodobo laga soo saarey kulankii Biixi, Cirro iyo Faysal Waraabe

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, ayaa kulan la qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI.

Kulanka ay Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro la yeesheen Biixi ayaa looga wada hadlay arrimo badan oo la xiriira doorashooyinka, sidda ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo.

Madaxtooyadda Somaliland oo war-saxaafadeed kasoo saartey kulanka ayaa soo bandhigtay saddex qodob oo ay sheegtey in dhinacyadda ay isku raaceen intii uu socday shirkooda.

Qodobadda ayaa kala ah;

 In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

 In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

 In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Biixi, Cirro iyo Faysal Waraabe ayaa gabagabadii waxay isku afgarteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, kuna ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland ayaa lixdii sano ee lasoo dhaafay ku murusanaa doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo baaqday muddo lix jeer ah, taasoo Beesha Caalamka ka walaacdey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM