Ra'iisul Wasaarihii 7aad ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ra'iisul Wasaarihii 7aad ee Soomaaliya, Cumar Carte Qaalib, ayaa ku geeriyooday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuunsanaa.

Marxuumka ayaa wasiirka koowaad ee Soomaaliya wuxuu ahaa mudadii u dhaxeysay 24-kii Janaayo, 1991-dii illaa Janaayo, 1997-dii, wuxuuna xafiiska joogay muddo ku siman 345 maalmood.

Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka dowladda federaalka ee waqtiga dhamaadka ka yahay, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta marxuumka.

Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu ku yiri: "Inna lillaahi waa inna illayhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allahu naxariistee marxuum Cumar Carte Qaalib.

"Wuxu ahaa Oday guurti ah oo door muuqda kaga jira sooyaalka dalkeenna. Wuxu soo noqday Ra'iisalwasaare sidoo kale Wasiirkii arrimaha dibadda," ayuu raaciyey.

Guuleed ayaa ku daray: "Marxuumku tacab badan ayuu gashaday dalkiisa, wuxuuna ka qayb qaatay dib u heshiisiinta dadka, si waddaniyad iyo daacadnimo leh ayuuna shacabka Soomaaliyeed ugu soo shaqeeyay. Waxaan alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo".

Cumar Carte Qaalib ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku noolaa degaanadda maamulka Somaliland oo sheegta in uu ka madax-banaan yahay Soomaaliya balse aduunka uusan ka haysan aqoonsi caalami ah oo sax ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM