RW Khayre oo Saami ku leh Haamaha Shidaalka Berbera [Dhageyso]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu Saami ku leeyahay Haamaha Shidaalka magaalada Berbera.

Guddiga dabagalka Musuqmaasuqa ee Gollaha Wakiilada Somaliland oo baaritaan ku sameeyay Keydka Haamaha ee Dekada Berbera ayaa shaaciyay in arintan ay halis ku tahay jiritaanka maamulka Hargeysa.

Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo katirsan Gudiga ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu saami ku leeyahay Shirkada laga kireeyey Keydka Haamaha Shidaalka Dekada Berbera ee "Berbera Oil Group."

"Xogtaan helnay waxaa ku jirta in Ra'iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya uu saami weyn ku leeyahay Shirkadda Soma Oil & Gas taasina ay khatar ku tahay Somaliland," ayuu hadalkiisa raaciyay Xildhibaanka.

Gudiga dabagalka Hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Baarlamaanka Somaliland ayaa soo jeediyay in wax laga qabto Berbera Oil Group oo diiday inay soo bandhigto xogta Saamiiliyaasheeda.

Xasan Cali Khayre ayaa Soma Oil & Gas kasoo noqday Agaasiimaha qeybta Africa, isagoo Shirkaddan fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, isagoo kasoo mid ahaa tan iyo aas-aaskeedii 2013-kii.

Khayre ayaa xilka iska casilay markii uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay jagada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya bishii Febuary, ee sanadki tagey 2017-ka.

Markii uu soo dhisay Gollahiisa Wasiiradda bishii Maarso, 2017, Ra'iisul wasaaraha ayaa balan qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa, isagoo ka dalbaday dhamaan Wasiiradiisa inay cadeeyaan hantida ay leeyahiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM